Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Afgaduud on his way to Kismaayo!

Recommended Posts

Good decision inshallaah, Afgaduud will be the one who is going to liberate Kismaayo inshallaah from the evil that has nested in it!

 

Kismaayo : Ciidamada dawladda oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo, waxyarna u jira.

 

Jimce, December 29, 2006

 

 

Kismaayo (AllPuntland)- Ciidamo ka socda dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay ku sii socdaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

 

Ciidamada dawladda ayaa 40 KM dhanka magaalada Kismayo waxa ay uga gudbeen magaalada Bu`aale ee xarunta gobolka Jubada dhexe.

 

Col. C/risaaq Afguduud oo hor kacaya ciidamadaasi ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in deegaanada ay marayaan ay doonayaan in ay ka sameeyaan maamul ayna soo celinaayaan nabad galyadooda.

 

Afguduud waxa uu shaaca ka qaaday in ay dhowaan gaari doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

 

C/risaaq ayaa waxa uu sidoo kale cadeeyay in deegaano badan oo ay mareen ay kala kulmeen soo dhowayn aad u heer saraysa.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan qaar ka mid ah haraadiga maxkamadihii magaalada Muqdisho ee dhowaan bur buray.

 

Wali wax dagaal ah oo ay la kulmeen ciidamadaasi ma jiraan, waxaase laga cabsi qabaa in magaalada Kismaayo ay isku dhacaan malayshiyooyin taageersan maxkamadaha.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dawlada Ayaa Maanta Gaadhay Bu'aale

 

 

Dec 29, 2006 By:

Kismaayo(jidbaale.com):- Ciidamada DFKMG ayaa maanta oo Jimce ah la wareegay Xaruntii gobalka J/dhexe ee magaalada istaraatiijiga ah ee Bu'aale.

 

 

Kolonyooyinka ciidamada DFKMG oo ay wehliyaan ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maanta gudaha usoo galay magaalada Bu'aale.

 

Ciidamadan ayaa ahaa kuwii dagaalka kasoo galay dhinaca degmada Diinsoor oo ay shan maalmood ku dagaalameen ciidamada DFKMg iyo maleeshiyooyinka Maxaakiimta.

 

Ciidamadan ayaan wax iska caabin ah kala kulmin kuwa Maxaakiimta oo ayagu horey usii baneeyey magaalada Bu'aale maalinimadii Arbacadii.

 

Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ayaa hada isku aruursanaya magaalada Jilib iyo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka J/hoose.

 

Magaalada Kismaayo ayey xalay gaareen qaar kamid ah hogaamiyaashii maxaakiimta ee isaga baxay Caasimada Muqdisho.

 

Ciidamada Dowlada ayaa ayagu u gudbay dhinaca magaalada Kismaayo ayadoo la sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwi si weyn u xoogan kuna jiheysan in dabo galka intii ka hartay xoogagii Maxaakiimta oo looga awood roonaaday dagaaladii ka dhacay Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobalada Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug, Galgaduud, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir.

 

jidbaale.com

 

RadioSSC News

Share this post


Link to post
Share on other sites

BU'AALE: Ciidammada Dowladda oo daqiiqado ka hor la wareegay Degmada B'aale ee Gobolka Jubbad Dhexe

Posted to the Web Dec 29, 12:02

 

 

Bu'aale (PP) - Ciidammada Dowladda Federaalka KMG-ka ah Soomaaliya oo ay kaalmeynayaan kuwa Ethiopia ayaa saakay l;a wareegay gacan ku haynta Degmada Bu'aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkasoo ay ku dambeeyeen Maxkamadihii laga eryay Muqdisho.

Wararka laga helayo degmada Bu'aale ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaas uusan ka dhicin dagaal aad u xoog badan, isla markanaa ay isaga baxeen Maxkamadaha goobtaas ayna dib ugu siqeen dhanka Degmada Jilib oo ay gaareen xubnihii ugu sarreeyay ee Maxkamadaha.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in degmadaas ay haatan tahay mid aad u daggan, isla markaana ay xaaladdeeda ganacsi tahay mid si caadi ah u socota, waxaana la sheegay in Dowladda ay haatan halkaas koontaroolayso.

 

Ciidammada Dowladda ayaa waxay ku wajahan yihiin sida la sheegay gobolka Jubbada dhexe qaybo ka mid ah iyo gobolka Jubbada Hoose oo ay ku dambeeyaan Maxkamaha ciidammadooda, waxaana tani ay caddeyn u tahay in Maxkamadaha ay si dhab ah u tabaar beeleen, lana baacsanayo inta laga xaqiijinayo inay ka baxeen dhammaan dhulka Soomaaliya.

 

Prof. Geeddi oo haatan booqasho ku jooga Shabeellada Dhexe ayaa daboolka ka qaaday in aysan ka harayn madaxdii Maxkamadaha goob kasta oo ay gaaraan, waxaana uu si cad u qeexay inay si gaar ah u raadsan doonaan kuwa shisheeyaha ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

There would be nothing wrong with it but it is a lie nonetheless.

 

Why would Afgaduud led them when the man who lead them in Iidaale and then to Diinsoor and has spoken on the airwaves admitting he is leading them towards the Jubbas is well known?

 

 

Col.Fartaag Iyo Ciidamado Uu Hogaaminayo Oo Ku Sii Fool Degaanada Jubbooyinka

Dec 29,2006

 

Col.Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee dowladda federaalka Soomaliya iyo Boqalaal ciidamo ah oo ku hubaysan noocyada qoryaha fudud ayaa ku sii jeeda dhinaca gobolada jubbooyinka oo haatan ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaliya.

 

Ciidamadan ayaa ahaa kuwo ka tirsan ciidamada Wasiirka Gaashandhiga oo mudooyinkanba ku sugnaa Baardheere iyo kuwo kale oo dhawaan xerada Bulsho oo ku taal duleedka Baardheere uu tababar uga socdey.

 

Col.C/laahi Sh.Ismaaciil (Faratag) oo la hadlayey saxaafadda ayaa ku micneeyey ka bixitaankooda magaalada Baardheere inay ka dambeysay amar ka soo baxay Col.Bare hiiraale, kaasi oo lagu amrey dhaman ciidamada jooga Baardheere inay soo gaaran degaanada jubbooyinka si ay ugu qeybqaatan ayuu yiri hawlaha amniga dalka lagu sugayo.

 

Ciidamada dowladda federaalka ayaa la wareegay gebi ahaan saaka xarunta gobolka J/dhexe ee magaalada Buaale, kadib markii halkaasi ay isaga huleen maleeshiyadii maxkamadaha oo ku sugnaa degaankaasi. Xaaladda Nabadgalyo ee degmada Bu'aale oo aheyd maalmihii la soo dhaafay mid kacsan, iyadoo cabsi laga qabay dagaal halkaasi ka dhaca ayaa saakay waxaa dib u howl-galay isgaarsiintii fooneeyaha ee magaaladaasi.

 

Lama soo sheegin wax isku dhacyo ah ama iska caabin ka hortimid dowladda Somalia ciidamadeeda iyo kuwa dowladda Ethiopia. Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa kaabiga ku sii haya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyaga la sheegay inay dhaafeen magaalada Buaale.

 

A-C Saalixi-GEDO-NN-Baardheere

 

by Baardheere-GEDO-NN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this