Sign in to follow this  
Jabhad

Mbagathi Mafia group accomplishment: flooding fake money into Somalia.

Recommended Posts

Jabhad   

Lacag Cusub oo Dowladda Federalku keentay oo si xoog leh loo soo geliyay Suuqyada Magaalada Muqdisho, taasoo sara kac ku sameesay Qiimaha lacag3.jpg Sarifka Dollar ka iyo Maciishada.

 

Hobyonet. Muqdisho. Arbaco, Jan, 31, 2007

 

Sarifka Doolar oo sare u kac badan ku yimid kaddib markii dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho la soo galiyey Lacago la soo sameeyay oo cusub.

 

lacag2.jpg

 

Markasta oo lacag cusub la keeno dalka waxaa sare u kac ku yimaadaa sarifka shilling soomaaliga iyo midka laacaagaa qalaad qiimaha la isku dhaasado.

 

Lacagaha oo lagu tolmaamo in ay yihiin been abuur ayaa geliya walwal ganacsiga iyo dadka danyarta ah kuwaas oosaameynta ugu daran ay asiibto marka lacag cusub dalka la soo geliyo.

 

Qeybo badan oo ka mid magaalada muqdisho ayaa indhahaagu waxey qabanayaan lacago u xiran xirmo xirmo, waxaana qofka damiirka leh la soo gudboonaando walwal uu kaga xumaado saameynta ee keeni karto lacag cusub oo la iska soo sameysto.

sarifka%20007.jpg

Dadweynaha ayaa ka walaacsan lacagahaan ku soo kordhay suuqyadda magaalada Muqdisho isla markaana sababay xoogaa sare u kac qiimaha badeecooyinka ah.

 

Dadweynaha oo aanu wareysi kala yeelanay arrintaasi ayaa noo xaqiijiyay in qiimihii raashinka daruuriga ah lagu kala iibsan jiray uu sare u kac yar soo foodsaartay kaddib markii lacago la soo galiyay magaalada Muqdisho.

 

Qiimaha Sarifka 100 $ ayaa ahaa ka hor lacagtaan cusub inta aan la keenin magaalada muqdisho 1,370,000 halka Sarifku uu gaaray maalmahaan dambe oo suuqa la geliyay lacagaha cusub illaa 1,450,000 sh.so.

 

Lacagahaan ayaa waxaa soo geliyey dalka gaar ahaan Magaalada muqdisho dowladda federalka wax war ahna dowladu kama soo saarin arrintaan iyo ujeedada ay u keentay lacagaha cusub.

 

Lacagahaan cusub ayaa inta badana waxa alagu soo daabacaa wadamo ka tirsan Qaarada Asia , iyadoo lacagahaasina noqday mar kuwo loo soo daabco qaab ganacsi oo laga raadiyo faa’iido xad dhaaf ah.

 

Kalhore ayaa waxaa dhacday in kortooman lacagahaasi ku jiraan lagu keeno dooman iyo Diyaarado oo ganacsatadu shirko ku yihiin halkii ay ka soo dhoofsan lahaayeen Badeeco waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed .

 

 

 

Ahmad Dahir

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this