Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Commerce/Production Minister Says Economy Doing Well

Recommended Posts

Cowke   

Xasan Faarax Jaamac Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa Maanta ka warbixiyay Waxqabadka Wasaaradiisa Tan iyo Markii uu qabtay Xilka Wasaardan, wuxuuna sheegay in wasaaradiisu ay ku talaabsatay Waxyaabo badan oo dhinca Horumarinta Ganacsiga ah.

 

Wasiirka ayaa sheegay Wasaaradiisu in ay isku dayday Waxka qabashada Ganacsiga Puntland oo Xilligaasi aad u hooseeyay , wuxuuna sheegay Wasaaradu in ay guulo la taaban karo ka keentay ganacsiga Goobaha ay ku hawshootay.

 

Wasiirka oo mudo 5 bilood ah Xilka Wasaaradan hayay ayaa Xilli ku siman mudada uu wasaaradan joogay in ay ku hawlanaayeen in ay waxka badalaan ganacsiga suuqyada Puntland, gaar ahaana Wasiirku wuxuu sheegay in ay sameeyeen Shuruuc ku salaysan Habka ganacsiga Suuqyada Waaweyn sida Xolaha, Dekada boosaaso iyo wixii la mid ah taasina wuxuu sheegay in ay intoodii badnayd dhaqan gashay.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Xafiisyo iyo wakiilo kala duwan in ay ku leeyihiin Dhamaan Goballada Puntland, taasi oo u fududaysay in ay si fudud Warbixinada iyo Hawlaha Wasaaradu ay damacsan tahay u fushato.

 

Ganacsiga Magaalada boosaaso oo uu tusaale ahaan uga hadlay ayuu sheegay mid xawli ku socda islamarkaana Dawladu ay u aqoonsantahay Xarunta Ganacsiga Puntland, Wasaaraduna ay il gaar ah ku hayso.

 

Suuqyada puntland oo horay loogu yaqaanay kuwo sicirkoodu isbedbedalo ayaa Mudada uu Puntland Madexweynaha ka ahaa Faroole uusan ku imaanWax isbedel ah ka oo ku saabsan Maciishada iyo sicirka iibka, taasoo loo aanaynayo kulug lahaansha Wasaarada Ganacsiga Dawlada puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this