Sign in to follow this  
Maaddeey

TFG Troops in ADVANCE,,,,,

Recommended Posts

Maaddeey   

Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG oo maalmihii ugu danbeeyayba qalalaase dagaal ka wadey qeybo ka mida Wadada Warshadaha ayaa maanta Isbaaro cusub dhigtay Say-biyaano oo ku dhow Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa la arkayay ciidamadan oo gaadiidka rayidka lacago baada ka qaadaya, sidoo kalena baqdi gelinayay dadka rayidka ee gaadidka la socda.

 

Isbaarada cusub ee ciidamadan dhigteen waxaa ka horeysay dhowr Isbaaro oo horey u dhigteen Warshada Kabka iyo halka loo yaqaan Sar-kuusta oo dagaalo qaraari ku qabsadeen.

 

Ciidamadan oo uu hogaaminayo sarkaal lagu magacaabo Daahir Faray, waxay dhawaan dib uga soo noqdeen Dalka Itoobiya oo in muddo ahba ku maqnaayeen ka dib markii ciidamadii Gumeysiga Itoobiya ee Magaalada Muqdisho ka baxayay horey u sii raaceen.

 

Ma jiro hadal, dhibaatada ciidamadan dadka rayidka ah ku hayaan ku aadan oo ka soo baxey dhanka taliska ciidanka DKMG, balse waxay horey u dafireen dhibaatooyinka ciidamadoodu geystaan.

 

Dhinaca kale iska hor’imaad 2 qof oo rayida ku dhaawacmeen ayaa ciidamo ka wada tirsan kuwa DKMG maanta ku dhex marey Xaafada Mac-macaanka Degmada Dharkeynlay ee isla Magaalada Muqdisho.

 

Labada ciidan ee iska hor’imaadku dhex marey ayaa isku qabtey Isbaaro u tiilay Suuqa Mac-macaanka, ka dib markii kuwo halkaa horey looga eryay iyo kuwo diidanaa Isbaarada isku dhaceen.

 

Iska hor’imaadkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii kale duwanaa ee halkaa ka jiray, mana aha markii ugu horeysay oo iska hor’imaad noocan oo kale ah uu dhex maro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this