Sign in to follow this  
Maaddeey

Go,aamadii Shirweynihii UWSLF ee Cadaadle

Recommended Posts

Maaddeey   

REF:UWSLF/211/10 DATE: 06/05/2010

بسم الله الرحمن الرحيم

 

GO,AAMADII SHIRWEYNIHII UWSLF EE CADAADLE

 

Shirwaynihii 31aad ee midawga jabhada xoraynta Soomaali Galbeed UWSLF oo kafurmay dagmada cadaadle ee G/Goday , 4/5/2010 socdayna ilaa 6 /5 /2010 ciwaankiisuna ahaa nabad , midnimo , iyo horumar , anagoo kataabaqaadayna.(وان جنحوا للسلم فاجنح لها وتوكل علي الله انه هو السميع العليم) الانفال

 

Wada hadal iyo fikir iswaeydaarsi dheer kadib waxaa lagu go;aansaday qodobadan soosocda:

 

1- Shir waynuhu wuxuu si buuxda u ogalaaday kuna tilmaamey mid taariikhi ah go,aankii geesinimada lahaa ee maamulka Golaha Fulinta ee UWSLF qaateen , kaas oo ahaa wada hadalkii ay kadhalatay xabad joojintu .

 

2- Shir waynaha ururku wuxuu go,aamiyey in halkii laga siiwado hanaankii wadaxaajoodka nabadeed ee UWSLF iyo Dawlada Fedaralka Ethiopia udhaxeeyey ilaa lagamidhadhaliyo.

 

3- wuxuu shir waynaha UWSLF go,aansadey si uu utaabogalo geedi socodka nabada in si buuxda oo niyad sami ah ula tashado shacab weynaha soomaaligalbeed una hogaansamo go,aamada kasoobaxidoona shirweynaha dhaxmari doona UWSLF & Madax dhaqameedyada ,culumaa’udiinka. aqoonyahanada , ganacsatada ,qurbo jooga iyo dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshada .

 

4- Ururku wuxuu go’aansaday soona dhawaynayaa wixii go’aamo ah oo ka soobaxa shir weynaha shacabka Somali galbeed.

 

BAAQ

 

1-Midawga Jabhada xoreyna S/galbeed waxay ugu baaqayaa shacabka Somali galbeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba inay midoobaan taageeraana geedi socodka nabadda .

 

2-Waxuu shirwaynuhu soodhaweeyay bogaadinayaana go’aanka kasoobaxay Golaha sare ee ONLF ee ay kaga soo qayb galayaan geedi socodka nabada iyo hormarka wadanka :confused:

 

3-Sidoo kale ururku waxuu baaq u dirayaa garabka kale ee ONLF inay kasoo gayb galaan geedi socodka nabadda una turaan shacabka tabaalaysan.

 

4-Ururku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka S/galbeed in ay iscafiyaan gacmahana isqabsadaan.

 

وبالله التوفيق

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

 

الله أكبر..الله أكبر..الله أكبر

MIDNIMO…. HORMAR… NABAD

 

Maamulka Xafiiska Warbaahinta

_________________________

 

 

 

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this