Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Breaking News ****** Vs. **** Fighting in Kismaayo began.

Recommended Posts

I guss the fighting in kismayo began. Mr. gacmadheere could not slove the issue

 

Kismaayo: Dagaallo khasaare gaystay oo ka dhacay jasiiradda Kudhaa ee Jubbada hoose.

30. april 2007

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Kismaayo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya jasiiradda Madhabo ee deegaanka Kudhaa ee jubbada hoose ayaa sheegaya in dagaal kharaar uu shalay iyo maantaba halkaasi ka dhacay.

 

Dagaalladan ayaa u dhexeeya laba beelood oo ah beelaha wada daga gobolka Jubbada hoose. Warar la xaqiijiyay ayaa sheegay in dagaalkaasi 12 qof ay ku geeriyoodeen.

 

Malleeshiyo hubaysan oo ka timid Kismaayo ayaa weerar ku qaadday xilli habayn ah Jasiiradda, ayagoo doonaya inay la wareegaan gacan kuhaynta halkaasi.

 

Iska caabbin xooggan oo malleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ka hor timid ayaa waxay ku khasabtay inay kala firxadaan dibna ugu laabtaan halkii ay duullaanka kasoo qaadeen.

 

Khasaaraha dagaalka ayaa wuxuu u badan yahay malleeshiyaadkii weerarka kasoo qaaday magaalada Kismaayo.

 

Dadka deegaanka Kudhaa ayaa wada abaabul dagaal oo ay uga hortgayaan malleeshiyaadka weerarada kasoo qaadaya degmada Kismaayo.

 

Jasiiradda Madhabo ee Kudhaa waxaa ka jira ganacsi xagga dhuxusha ah , waxaana kusugan ganacsato hubaysan oo difaacda jasiiraddaasi.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

KISMAAYO: Dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo ka dhacay Jasiiradaha Kudhaa iyo Modhowe

Posted to the Web Apr 30, 14:21

 

 

Kismaayo (PP) – Dagaal sababay dhimashada ugu yaraan 10-ruux iyo dhaawaca in ku dhow 36-ruux oo kale ayaa maanta ka dhacay jariisaradaha Modhowe iyo Kudhaa oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalkan ayaa la sheegayaa inay qaadeen maleeshiyo ka tirsan beesha **** oo duulaan ku qaaday goobtaas oo deegaan u ahayd beel katirsan beelaha *****ga.

 

Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dagaallo 23-kii bishaan ka dhacay Magaalada Kismaayo dagaalkaas oo dhex maray Beelaha ********* iyo *****ga. Dagaalkaas ayaa ahaa dagaal dhacay waqti Guddoomiyaha Gobolka Jubada Hoose uu safar shaqo uu ugu maqnaa degmada Badhaadhe, hadana ah xubnaha dowlada ee magaalada banaanka uga maqan.

 

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in dagaalladaas ay ahaayeen kuwo aad u qaraar oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dadkaan faraha badan, iyadoo aysan jirin wax waanwaan ah oo lagu dhameynayo colaadaan cusub.

 

Colaaddaan ayaa waxay socotay tan iyo maalintii shalay ahayd iyadoo ku soo beegantay xilliga ay socdaan waanwaanno lagu dhameynayay dagaalladii dhawaan ka dhacday Kismaayo ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad tiro badan.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere) ayaa wuxuu ku howlan yahay daminta qalalaase ka dhacay Kismaayo, kaasoo sababay in maamulkii Degmada Kismaayo iyo taliyeyaashii ciidammada xoogga dalka ee ku sugnaa Kismaayo iyadoo ay ku sugan yihiin Deegaanka Buulo-Guduud oo 35-km u jirta Kismaayo.

 

Ilaa iyo Waqtigii uu maamulka dowladu oo uu soo gaaray magaalada Kismaayo ayaan la gaarin wax heshiis ah oo u dhaxeeya maamulka banaanka uga maqan magaalada iyo kooxaha gacanta ku dhigay magaalada Kismaayo.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in Guddoomiha Gobolka Jubada hoose uu ka biyo diiday inuu soo galo magaalada Kismaayo isaga iyo madaxda kale ee maamulka. Wuxuuna Gaboose oo ah Guddoomiyaha Gobolka Jubada hoose uu sheegay in magaalada laga saaro maleeshiyooyinka magaalada qabsaday oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ku xadgudbay qawaaniinta gobolka iyo hab-beeleedka loo degan yahay gobolka Jubada hoose.

 

Inkasta oo Wasiirka Arrimamha gudaha Mudane Gacmodheere uu weli raadinayo xal kama danbeys ah , hadana ma muuqato weji nabadeed oo lagu dhamayn karo xaalada gobolka jubada hoose. Waxaana magaalada Kismaayo beryihii la soo dhaafay ka baxay maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Beesha *****ga iyo Beesha ****** kuwaas oo abaaray goobaha ay ku sugan yihiin madaxda gobolka.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyooyinkii Kismaayo ku sugnaa oo weerar ku qaaday Deegaanka Kudhaa

Last Updated::2007-04-30 14:55:30

 

Kismaayo:- Maleeshiyooyinka Beesha **** oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa saaka weerar ku qaaday Deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe.

 

Weerarkan ayay u adeegsadeen doonyo ayadoo la sheegay in ay la beegsadeen tuulada Madhawa ee aaga Kudhaa kana tirsan degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada Hoose.

 

Halkaasi ayaa la sheegay inuu ka dhacay dagaal xoogleh oo dhexmaray dadka deegaanka iyo maleeshiyooyinkii halkaasi weerarka ku qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khasaarihii ka dhashay Dagaalkii Madhawa ee deegaanka Kudhaa iyo wararkii ugu danbeeyey

Last Updated::2007-04-30 15:05:29

 

Kismaayo:- Wararka ugu danbeeyey ee kasoo baxaya Tuulada Madhawa oo saaran xeebta degmada Badhaadhe

ee gobalka J/hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogleh saaka.

 

Dagaalkan ayaa waxaa qaaday maleeshiyooyin hubeysan oo ka ambabaxay magaalada Kismaayo kana soo jeeda beesha ****.

 

Maleeshiyadan oo watay Doonyo ay ka qaateen magaalada Kismaayo ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan deegaanka Madhawa halkaasi oo ay iska caabin xoogleh kala kulmeen dadka deegaankaasi ku dhaqan.

 

Dagaalkan oo yeeshay Waji qabiil ayaa waxaa ku dhintay sadex qofood oo kasoo jeeda deegaanka una dhashay Beesha Cismaan Maxamuud (**********), waxaana la sheegay in dhinaca maleeshiyooyinka weerarka qaaday oo kasoo jeeda Beesha **** halkaasi uga dhinteen 9 ruux.

 

Dagaalka ayaa maanta qaboobay kadib markii ay halkaasi isaga baxeen maleeshiyooyinkii ka yimid dhinaca magaalada Kismaayo oo dib ugu noqday halkaa.

 

Baaq Digniin ah

 

Baaq ay soo saareen cuqaasha Beesha halkaa ku dhaqan ee Cismaan Maxamuud ayaa maanta lagu sheegay in weerarkaasi gardarada ah aysan u dul qaadan doonin, isla markaana ay ka xun yihiin dagaalka lala beegsaday dhul ay degen yihiin dad nabada jecel.

 

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa maanta si weyn looga dareemayaa xiisad colaadeed oo kusoo biirtay xiisadii horey magaalada uga taagneyd.

 

Weerarka maleeshiyooyinkan maanta qaadeen ayaa kusoo aaday maanta oo ay Wafdigii ka socday Dowlada Federaalka uuna hogaaminayay Wasiirka Arr/gudaha Md.Gacmodheere ay u ambabaxeen tuulada Buula Guduud ee Bariga magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamadii Dowlada iyo maamulkii gobalka.

 

Xubno ku sugan magaalada Kismaayo oo kasoo jeeda beesha Kabalalax ayaa maanta si weyn u dhaliiceeyey weerarkii lagu qaaday degmada Badhaadhe ee deegaanka Kudhaa waxayna ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarkaasi ay qaadeen maleeshiyooyinka.

 

Waxaana laga cabsi qabaa in weerarkan uu wax weyn u dhimo waan waantii lagu damacsanaa in magaalada Kismaayo lagu xasiliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Breaking News:dagaal ay maleeshiyada Beesha **** ku qaadeen maanta Deegaanka Madhawa oo ay ku dileen 3 qof 9na looga dilay(30-04-2007)

 

 

Wararka ugu danbeeyey ee kasoo baxaya Tuulada Madhawa oo saaran xeebta degmada Badhaadhe ee gobalka J/hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogleh maata

 

Dagaalkan ayaa waxaa qaaday maleeshiyooyin hubeysan oo ka ambabaxay magaalada Kismaayo kana soo jeeda beesha ****.

 

Maleeshiyadan oo watay Doonyo ay ka qaateen magaalada Kismaayo ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan deegaanka Madhawa halkaasi oo ay iska caabin xoogleh kala kulmeen dadka deegaankaasi ku dhaqan.

 

Dagaalkan oo yeeshay Waji qabiil ayaa waxaa ku dhintay sadex qofood oo kasoo jeeda deegaanka una dhashay Beesha Cismaan Maxamuud (**********), waxaana la sheegay in dhinaca maleeshiyooyinka weerarka qaaday oo kasoo jeeda Beesha **** halkaasi uga dhintaan 9 askari. oo ka mid ah maleshiyadii weerarka ahaa

 

Dagaalka ayaa maanta qaboobay kadib markii ay halkaasi isaga baxeen maleeshiyooyinkii kasoo baxay magaalada Kismaayo oo dib ugu noqday halkaa.

 

Baaq ay soo saareen cuqaasha Beesha halkaa ku dhaqan ee Cismaan Maxamuud ayaa maanta lagu sheegay in weerarkaasi gardarada ah aysan u dul qaadan doonin, isla markaana ay ka xun yihiin dagaalka lala beegsaday dhul ay degen yihiin dad nabada jecel.

 

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa maanta si weyn looga dareemayaa xiisad colaadeed oo kusoo biirtay xiisadii horey magaalada uga taagneyd.

 

Weerarka maleeshiyooyinkan maanta qaadeen ayaa kusoo aaday maanta oo ay Wafdigii ka socday Dowlada Federaalka uuna hogaaminayay Wasiirka Arr/gudaha Md.Gacmodheere ay u ambabaxeen tuulada Buula Guduud ee Bariga magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamadii Dowlada iyo maamulkii gobalka.

 

Xubno ku sugan magaalada Kismaayo oo kasoo jeeda beesha Kabalalax ayaa maanta si weyn u dhaliiceeyey weerarkii lagu qaaday degmada Badhaadhe ee deegaanka Kudhaa waxayna ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarkaasi ay qaadeen maleeshiyooyinka.

 

Waxaana laga cabsi qabaa in weerarkan uu wax weyn u dhimo waan waantii lagu damacsanaa in magaalada Kismaayo lagu xasiliyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this