Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Russian navy hands over alleged pirates to Somaliland

Recommended Posts

The Russian navy operating off Somalia has turned over seven suspected pirates to the breakaway state of Somaliland, where they will stand trial, officials said Sunday.

 

"The suspects were apprehended by a Russian navy ship and turned over to our coastguards in the His district of Sanag region late Saturday," local coastguard commander Mohamed Yusuf Otor told reporters.

 

Otor said the Russians captured the alleged pirates around two weeks ago in the Gulf of Aden.

 

"Once the investigation is over they will be brought to court where they will be tried," local police official Abdulahi Rage told AFP by phone from Somaliland's main port of Berbera.

 

Russia has been taking part in international anti-piracy efforts in the Indian Ocean since September 2008.

Share this post


Link to post
Share on other sites

7 nin oo lagu tilmaamay inay budhcad badeed yihiin ayaa maanta la hor-keenay maxkamada gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo, ka dib markii uu Markab kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ruushku maalintii shalay ku wareejiyay 7 nin ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.

 

Waxaana la sheegay in 7 nin oo 16 maalmood ka hor markabkaasi qabtay maalintii shalay laga soo dejiyay meesha la yidhaahdo Salwayn oo 10 KM u jirta dhinaca degmada Xiis.

 

Wararka aanu ka helayna magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in isla maantaba Maxkamada la horkeenay raggan oo lagu eedeeyay inay budhcad-badeed yihiin, iyada oo maxkamada loo diiday inay warbaahinta ka qayb-gasho sida uu Somalilandpress u xaqiijiyay suxufi ku sugan magaalada Ceerigaabo oo caawa khadka telefoonka noogu waramayay.

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa shaaca ka qaaday in inta ay socoto dhegaysiga dacwadani warbaahinta aan loo ogolaan doonin, hase yeeshee waxa uu Gudoomiyuhu sheegay in maalinta uu xukunku dhacayo warbaahinta loo ogolaan doono inay goob-joog ka noqdaan goobta xukunku ka dhacayo.

 

Warku waxa uu intaasi ku daray in 7 xubnood oo muddo 16 maalmood ah markabkaasi Ruushka ahi hayay aan ilaa hada la shaacin deegaanka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan. Waxa kale oo aan isla-markaasi lagu wareejin ciidamada ilaalada xeebaha hubkii ay wateen nimankani. Mana aha markii ugu horaysay ee xukuumada Somaliland xukun ku rido kooxo lagu sheegay inay budhcad-badeed yihiin. Taasoo saamayn ku yeelatay dadweynaha ku dhaqan Somaliland. Waxaana dhawaan deegaanka maamul-goboleedka Puntland laga afduubay gaadiid ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah. kuwaasi oo ay afduubeen kooxo reer Puntland ah oo ku andacoonayay in xukuumada Somaliland haysato oo xabsiyada u taxaabtay dad aan waxba galabsan oo kalluumaysato ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this