Sign in to follow this  
xiinfaniin

Egypt will train 1000 police/navy officers for Somalia

Recommended Posts

Dowladda Masar oo sheegtay inay tababarayso ciidamada Booliiska iyo kuwa badda ee Dowladda Soomaaliya

 

Khamiis 11, Feb, 2010 (HOL) Sarkaalad u hadaashay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar oo lagu magacaabo Muna Cumar ayaa saxaafadda ugu sheegtay Qaahira Arbacadii shalay in dalkeeda uu tababar siinayo ciidamo Soomaali ah.

 

Muna Cumar oo ah wakiilka Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Masar ayaa sheegtay in dalkeedu uu ka helay dowladda Soomaaliya codsi ah inay qayb ka qaataan tababarka ciidamada ammaanka iyo kuwa badda.

 

"Ciidamada aan tababarayno waxay gaarayaan 1000-askari oo isugu jira Booliis iyo kuwa badda, si amaanka barriga iyo badda Soomaaliya loo soo celiyo sannado badan oo fowdo ah kaddib" ayay Muna Cumar u sheegtay warbaahinta.

 

Sidoo kale Muna Cumar waxay sheegtay in dalkeeda uu ka walaacsan yahay xaalka Soomaaliya ayna madaxda Soomaaliya iyo Madaxda Masar inta badan ku hadlaan taleefoonka si ay Masar garacan uga geysato nabad kusoo celinta Soomaaliya.

 

"Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu naga dalbaday inaan gacan ka geysanno sidii ciidamada AMISOM tiradooda loo kordhin lahaa loona gaarsiin lahaa 8-kun oo Askari" ayay tiri Muna Cumar.

 

Sarkaaladdu waxay ugu dambeyn sheegtay in dalkeeda ay ka go'an tahay inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Dowladda la aqoonsan yahay ee Soomaaliya ka jirta, ayna sii wadi doonto gacanta ay u fidinayaan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this