Sign in to follow this  
Sophist

Dood Cilmiyeed on 24th of July Saturday tomorrow.

Recommended Posts

Sophist   

Dadka reer UK ee daneeya aqoon-wadaagga iyo arrimaha Soomaalida waxaa la ogeysiinayaa in la qaban doono dood-cilmiyeed xiisa leh oo ku taxan xuska maalmihii xornimada iyo midnimada labadii gobol ee Soomaaliyeed, 1da Luulyo iyo 26ka Juun. Dood-cilmiyeeddaan oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Dadihiye Somali development Organisation, halkudheggeedu wuxuu ku salaysan yahay su’aasha ah:

 

Qodob-hoosaadyada laga doodayo waxaa ka mid ah:

 

§ Sidee ku timi madax-bannaanidii iyo midnimadii la gaadhey maalmahaas?

 

§ Waa maxay qiimaha ay maanta Soomaali ugu fadhido xasuusta maalmahaas?

 

§ Dhibaatooyinkii dambe ee loo geystey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, siiba woqooyiga ma waxaa ka masuul ah maalmahaas iyo xornimadii iyo midnimadii la gaarey mise waxaa ka masuul ah madaxdii qabatay hoggaanka Dalka?

 

§ Waa maxay guulaha Soomaalidu gaadhey taariikhda casriga ah iyo qaladaadka la galay ee loo baahan yahay in cashar laga qaato?

 

§ Hadday Soomaalidu awood u yeelatay in ay dowladnimo gaadho maxay awood ugu yeelan weydey inay difaacato?

 

§ Maanta oo magacii “Soomaali†qarka u saaran yahay inuu gabi ahaanba dhinto sidee loo badbaadin karaa magaca ummad ahaaneed ee la wada wadaago?

 

§ Ma habboon tahay in mustaqalka xuska maalmaha xornimada Soomaalida ee kala ah 26 Juun, 27ka Juun (maalinta xornimada Djibouti) iyo 1da Luulyo intii magaalo wada joogtaa hal meel si wada jir ah ugu dabbaaldegaan?

 

Dood-cilmiyeedda waxaa furi doona aqoonyahanno u kuur galay taariikhda iyo xaaladda Soomaalida, ka dibna waxaa loo furi doonaa ka-qaybgalayaasha guud ahaan.

 

 

Waqtiga uu dhici doono kulankaan waa Sabtida 24 July 2004, saacadduna waa 6:00 PM (lixda Galabnimo).

 

Goobta lagu qabanayo waa:

 

 

Royal Borough of kensington and Chelsea

 

Small Halla

 

Kensinton Town Hall

 

Horntonton Street

 

London W8 7NX

 

Underground: Kensinton High Street- District Line and circle Line

 

Buses: 9, 10, 27, 28, 49, 328, C1

 

Wixii Faahfaahin ah fadlan kala xiriir, Xafiiska Dadihiye on 02073704168 Dahabo dowlo.

 

Qof kasta oo Somali ah oo danaynaya mustaqbalka Dalkiisa iyo dadkiisa waa u furan tahay inuu ka soo qayb galo waana lugu soo dhoweynayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this