Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Wargeyska Dalka has got huge followers readership in Buuhoodle district

Recommended Posts

Dalka.jpg

 

Wargayska Cusub Ee Dalka Ayaa Maanta Si Weyn Looga Akhrisanyey Magaalada Buuhooodle Ee Xarunta Gobolka Cayn.

 

Buuhoodle(Radiossc.net):-Wargaysaka Cusub ee ku hadla Afka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee ka soo baxa Dalka Kenya ee Dalka ayaa maanta markii kuuwaad soo gaadhay Magaalada Buuhoodle ,iyadoo si weyn loogu akhrisayey gooobaha lagu nasto iyo meherada kala duwan ee Magaalada.

 

Wargayskan oo soo baxay Maalinimadii Sabtida ahayd ee 30 Luuliyo ayaa dadweynaha Deegaanka Buuhoodle ay aad ugu farxeen imaanshahiisa Buuhoodle ,iyadoo lagu iibinayey Qiimo dhan 5000 kun oo Shilin,inkastoo ay si Bilaasha ah Dawladu u bixiso Wargayskan hadana dadweynaha Buuhoodle ayaa si dabo qabsi ah u iibsanayey Wargayska Dalka,iyadoo markiiba la dhamaystey iyadoo lagu wado in uu imaan doono Buuhoodle maalinkasta oo Isniin ah.

 

wargays.jpg

 

Qaar ka mid ah Dadweyaha deegaanka Buuhoodle oo akhristey Wargayska oo aanu wax ka weydiinay sida ay u arkaan Wargayska cusub ee ku hadlaya Afka Xukuumada Fedraalka Soomalaiya iyo wararka ku qoran ayaa sheegay in wararku yihiin kuwo xiiso badan balse intooda badan laga dheegtey Web-set-yada iyo TV-kala duwan ee Caalamka’’Waxaanu aad ugu faraxsanahay in aanu aragno wargays ay lee dahay Dawlada Soomaaliyeed oo islamarkaana si deg deg ah ku yimi Buuhoodle sidaa waxa yidhi Xaali Xuseen Muuse oo aanu la kulanay iyadoo akhisanaysa Wargaysaka Dalka.

 

Wargayskan oo ah mid Muuqaalka ahaan iyo wararkiisa Fiican yihiin,ayaa hadana dadka qaarkii waxay ku dhaliilayaan in aanu u ahayn mid si simin ugu dhexeeya Xukuumada Federaalka Soomaaliya labadeda Garab , Dadka wargayska dhaliilaya ayaa sheegay in uu had iyo jeer qoraaladiisu yihiin kuwo u jan jeedha.

 

Garabka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha.

 

 

 

C/casiis Saleebaan Axmed.

 

Radiossc.net. Buuhoodle Puntland.

 

 

 

 

 

 

Qormadii: C/casiis Saleebaan Axmed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this