Sign in to follow this  
Paragon

Top Puntland leaders in corruption raw

Recommended Posts

Paragon   

Cadde iyo Gagab oo isku eedeyay xatooyo

31 Oct 31, 2006, 10:08

 

Madaxwaynaha DGPL Maxmuud Muse Xirsi "Cadde" oo maanta ka hadley furitaanka kalfadhiga 17 aad ee golaha Baralamanka DGPL ayaa sheegey in Maaliyadii Puntland ay kala qateen wasiiradii iyo Agaasimayaasha Guud, Gagaab-na uu qayb ka yahay xatooyadan.

 

Cadde Muse ayaa kalfadhiga hortiisa ka yiri si kaftan ku jiro aniga iyo Gagaab lacagtii aan qaadan jirey waxaan ku dhiseynaa Garoonka Bosaso.

 

Dhinaca kale Gagaab ayaa sheegey in lacagaha dowlada la qaato ka hor inta aysan soo gaarin wasaaradiisa ama Bangiga Dowlada isaga oo tilaamey in hadii wax lagu qabto iyo hadii kaleba ay Xatooyo tahay.

 

Wasiirka Maaliyada Mr.Gagaab oo ka jawaabaya hadal ahaa in guux dadweyne uu jiro ayaa sheegey in dadwaynuhu uusan dambiga laheyn balse dowlada ay wax weyn ka khaldanyihiin ayna taariikhdu qori doonto cidii wax xadey isla markaana aysan wax tareyn in dad dowlada ka tirsan ay Internet-ka dacaayado ku qoraan.

 

Madaxwaynaha DGPL Cadde Muse iyo wasiirkiisa Maaliyada ayaan looga baran is cambaareynta noocaan oo kale ah madaama ay heshiis ku yihiin howlo ka badan dakhliga ka soo gala kaabayaasha dhaqaale ee Puntland.

 

Isha wararka: Garowe Online, Garowe

-----

 

 

Cadde Muuse "waxaa ku bixinaynaa 300 boqol oo kun ee nala ka rabo 200 oo aad nagu xamanayseen aniga iyo Gaagaab boqol aan ugu darro"

 

 

Garoowe, Waxaa maanata si rasimya loo furay kal fadhigii golaha baarlamanka Puntland furitaankaakii iyo sugaan kala duwan oo halkaas lagu soo bandhigay ka dib ayaa waxaa halkaas ka hadlay gudomiyha baarlamanka wuxuna hadalka ku soo dhaweeyey madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse Boqor.

 

Cadde Muuse oo halkaas ka hadaly ayaa waxaa uu sheegay wixii uu ku saabsanaa safarkoodii mudada labada bilood ku dhow ah qaatay waxaana uu golaha hortooda ka sheegay sheegay ina heshiis la soo galeen 40 sharikadood ayna si dhakhsa ah u imaan doonaan gobolada Puntland.

 

Waaxa kale oo uu sheegay inay la soo heshiiyeen shirkaddii dhisi lahayd Airporka magaaladda boosaaso waxa ayna noo sheegeen in anaga doonayaan 300 kun oo dollar waxanan rabnaa buu yiri inaan ku bixino labadii boqol oo aad nagu xamanayseen aniga iyo Gaagaab iyo boqol aan ku daro.

 

"waxaa ku bixinaynaa 300 boqol oo kun ee nala ka rabo 200 oo aad nagu xamanayseen aniga iyo Gaagaab boqol aan ugu darro" ayuu Cadde Muuse

 

Mar uu ka hadalyey golaha wasiiradda Puntland ayuu sheegay in ay jiraan wasiirada qaar tuugaa lagana saari doono maamulka lana sixi doono khaladka xaga mamula ku jira.

 

"wasiirada qaar tuugo ah aa jira waana laga saarayaa maamulka, qaldka jirana waa la sixi doonaa" ayuu yiri Cadde Muuse oo aan markaas cara baabin wasiirada wax xaday iyo waxay xadeen toona.

 

Cadde oo ekaa nin aan nin ku dhaafin khodbadiisa maanta ayaa baarlamaankana waxa uu sheegay inay ku jiraan dhawr qurmiye, waxaanu sheegay inay ka takhalusi doonaan.

 

Beri ayaa si rasmiya waxaa u furmi doona kaldhiga,waxaana rasmi ah loo guda gali doona ajandaha kal fadhiga.

 

Khod badda madaxweynaha ee maanta ayaa si aad ah magaalada Garoowe looga hadal hayaa, waxaana dadka siyaasada ka faaloodaa sheegayaan guud ahaan hadalka Cadde Muuse uu ahaa mid ka arradan dhinaca dublamaansiyada, waxaanu u ekaan nin la hadalya ilma uu dhalay oo uu iskool ku canaananayo.

 

Max'ud Max'ed Jaamac (Amooroos)

Waayaha.net,Garoowe,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^ :D maya maya Che. I am just updating the politics section with news from Puntland. I feel budhlaandays maanta smile.gif .

 

PS: Duke should be happy today, his kinsmen (and that of C/Yussuf) have their own Islamic Court :D . Very happy addition to the coalition.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by Oodweyne:

Hello Folks
,

 

quote:

Originally posted by
Paragon
;

 

PS: Duke should be happy today, his kinsmen(and the of C/Yussuf) have their own Islamic Court
:D
. Very happy addition to the coalition.

Waryaa,
Paragon
,

 

Waar waa ku sidee, sala-calee, Ma waxaad Doonaysaa in aad
Gen. Duke
aad ku furto
"Another front"
; iyadoo waliba tii hore ee
Baidaba
ku taalay, ee
Adeero
Yeey
nafta ku sasabayey
Xabashi
ayaa kaa difaaci doonta xoogagaa kuu soo qoryo-guranaya ee
Xamar
ka soo socda; ayuu wali shakhsiyan, la lagdamayaayee, sidii uu isaga dhaadhicin lahaa, in
Mr. Melez Tigrey
iyo Qawaamiirtiisii day-dayga ahaa ee uu u soo ururiyey, ay
kursiga adeerkii
u xejin doonaan....

 

Markaa,
Paragonow
, waxaad yeeleysaa,
Adeer
, Qodhaa iyo xeradaa, oo xilahaagu ku xidhaa, ka daa cayaayirka,
Il Generale
oo ha gilgilin; ninku nin xun maahe e, waxaase uun madax-maray, sidii uu u xejin lahaa
Kursiga Adeerkii
; oo kadaa wadnaha ayaa go-i doone eh....
:D:D

 

Regards,

Oodweyne.
Loooooooooool@OodWeyne. Adeer, sidaasaad igu ogtahay. Odeyga Duke ah, waa sidaad sheegtaye nin xun ma aha mar waanan ka nixin doonin oo soo daabici maayo war kale oo wadnaha gooya :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Absolutely. But we were expect blitzs in Buur Hakabo and not New Courts and corruption from the homebase itself. It is disasterious, very disasterious I tell ya :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

lol ^^..I heard that Cadde was talking to ICU on the low. Not sure how true this is. Maybe Duke can help to clarify smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Loooooooooool@OodWeyne. Adeer, sidaasaad igu ogtahay. Odeyga Duke ah, waa sidaad sheegtaye nin xun ma aha mar waanan ka nixin doonin oo soo daabici maayo war kale oo wadnaha gooya .

Tanug you.Meeshaan la,aantiis ma socon kartee.

 

 

I feel budhlaandays maanta

Saaxib, Wadaado wixii "land" ku jira ma jeclay, say tala ah.

 

Cambarro...You could be vacationing in the Islamic Republic of Pland....lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this