Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Kulan loogaga hadlayay xaaladaha abaareed ee kajira gobolka Gedo oo ka dhacay B/X

Recommended Posts

Kulan loogaga hadlayay xaaladaha abaareed ee kajira gobolka Gedo oo ka dhacay B/xaawo.

 

Axmed Cumar Saalixi - Allgedo-Baardhere

 

 

Degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacay kulan ay wada yeesheen xubno ka tirsan labada gole ee dowladda FS, hay'adaha samafalka, Odayaal iyo Waxgarad, kulankaasi oo looga arinsaday sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee ka jira gobolka Gedo.

 

Sida ay ku warameen mas,uuliyiin ka tirsan maamulka degmada baladxaawo Kulankaasi oo socday mudo labo maalmood ayaa shalay galinkii dambe lagu soo gabogabeeyay magaalada B/xaawo, iyadoo kulankaasi mudadii uu socday looga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin abaaraha ka jira degmada B/xaawo iyo sidii gargaar bani'aadnimo loola gaari lahaa dadkii ku waxyeeloobay abaarah iyo sida loogu gurman karo.

 

Wasiir K/xigeenka garsoorka dowladda FS Yuusuf Max'ed Cabdul Qaadir (Yuusuf Kanti) iyo mudanayaal baarlamaan oo ay ka mid yihiin Xasan Cabdi Xiireey, Nuur Mataan iyo Xuseen Cadaawe ayaa waxa ay war bixin ka dhageysteen gudi dhowaan loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan heerka abaaraha ka jira gobolka Gedo.

 

Gudiga Qiimeynta abaaraha gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in xaaladaha degaanada ay ku arkeen ay tahay mid qatar ah oo u baahan gurmad deg deg ah oo la gaaro si dadka iyo duunyada ay u badbaadaan.

 

Degaanada ugu daran ee abaaraha ay la dageen ayaa waxaa la sheegay dhowr tuulo oo ay ka mid yihiin Caracase, Khadiijo Xaaji, Gadoondhawe iyo Gaawiido, waxaana dhowrkii maalmood ee ugu dambeysay degaanadaasi ku dhintey xoolo kor u dhaafaya ilaa 200 oo isugu jira lo, Ari iyo Geel halka kuwo kale ay u hayaameen degaano kale.

 

Kulankaasi ayaa ugu dambeyntii waxaa loogu baaqay hay'adaha samafalka in ay si deg deg ah kaalmo u soo gaarsiiyeen gobolka Gedo Gaar ahaan degaanada ay abaaruhu la dageen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Very organized way in trying to combat a difficult problem. I would urge all others to organize theirselves in such a way to efficiently combat drought and insecurity, among other things, in our land.

 

 

Shir Ku Saabsan Abaaraha G/GEDO Oo Ka Dhacay B/Xaawo

 

Waxaa maanta shir isgu yimid hayadaha samafalka ee ka shaqeeya gobalka Gedo iyo xildhibaanada dowladda federaalka ee ku sugan gobalka Gedo. Shirkaan oo ka dhacay xarunta hayadda Trocaire ee magaalada Beled Xaawo ayaa waxaa oo laaga hadlaayay abaarta ka jirta gobalka Gedo.

 

Xildhibaanada ka soo qeyb galay shirkaas ayaa waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka garsoorka Yuusuf Maxamed Cabdiqadir (Kaanti),Xilibaan Xasan Deer, Nuur Mataan iyo Xuseen Cadaawe. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay heerka abaarta ka jirta gobalka GEDO gaar ahaan aaga Beled Xaawo iyo sida waxa laga qaban garo looguna gurman karo dadka ay abaartu aafaysey.

 

Waxaa halakaas warbixin looga dhagaystay odayaalka dhaqanka iyagoo sheegay in abaartani ay tahay xaalad degdeg ah oo loo baahan yahay in marka hore biyo lala gaaro dadka iyo xoolaha dhamaanaya. Waxaa la sheegay in xaalada abaatu ay marayso heerkii igu xumaa iyadoo ay aad u dhamaanaya xoolaha nool oo noockasta isugu jira. Waxaa ugu naxdin badnayd oo meesha laga sheegay in degaanada u dhow B/Xaawo oo la yiraahdo Godondhawe ay xoolo tiradoodu gaareyso seddex boqol ay ku naf waayeen, qoyasas fara badana ay ka hayaameen loona baahan yahay gurmad deg deg ah in lala gaaro.

 

Waxaa halkaas goob joog ka ahaa haydaha caalamiga ah oo kala ah NCA, CARE, UNOCHA, TROCAIRE iyo hayado kale oo ka mid yihiin ASEP ,SDA,IDF.

 

Sanka

Gedonet,B/Xaawo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this