Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Colonels: Guuxa todobaadka 05/07/03

Recommended Posts

Col. Cabdi Qeydiid: Cid i dhihi karta Kornayn ma aha ma jirto waxaan doontayaa in la ii dhiibo ciidamada Booliiska.

 

Col. Daahir Riyaale: Waxaan ahay madaxweynaha Somaliland ma maqli karo cid tidhaahda waa ****** .

 

Col. Ibraahim Xabeeb: Waan soo halgamay waxaanna rabaa in la iiga dhigo taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

 

Col. Saciid Kediye: Waa jirtaa in aan la soo shaqeeyay Maxamed Siyaad iyo Jeneraal Caydiid balse waxaan jirin in aan ka dambeeyay dilkii Elman.

 

Col. Cismaan Nuur: Cid aan Caato ahayn madax igama dhigi karto.

 

Col. Barre Hiiraale: Kismaayo aniga ayaa ka taliya cid kale oo ka hadli karta ma jirto.

 

Col. Cabullahi Yusuf: Halganka hubeysan aniga ayaa Soomaali ugu horeeyay ee hala daayo hebel iyo heblo buu dilay.

 

Col. Shaatiguduud: Waxaa ii wanaagsanayd in aan DKMG iska raaco si aan wax uga qabsada. Itoobiya waa i lug geystay.

 

Col. Dhoore: Halganka ****** waan curyaannay waxayna na badday in aan qoxooti noqonno. Halgankooda maba dhamaado.

 

Col. Cismaan Rooble: Inta la iigu magacaabayo saadka militariga Yurub ayaan iska joogayaa. Madarkicis ayaa ku dheelay halgankeenni.

 

Col. Subxaayo: Ciidan iyo saraakiil difaaca Cabdiqaasim way la joogaan Yurubna aniga ayaa u jooga.

 

Col. Daahir Dayax: Inta uu Cali Mahdi joogo qeybta Aqoon yar aniga leh.

 

Col. Maxamed Cismaan Grooso: Jagada aan ka qabanayo dalkan waxaa ku sugayaa gurigeyga.

 

Col.. Axamddey Khasaaro: Halgan hubeysan iyo balwadda masjidka ayaa ka galay.

 

Col Qalaad: Gobollka Hiiraan aniga ayaa ka taliya daba dhilfina waaye maayo ee Ruunkinet ha joojiyo bari iyo galbeed (Qoraxsin).

 

Col. Cabdi Yaasin: Booskii uu ka tagay Jeneraal Cadde Muuse aniga ayaa buuxinaya halgankii hubeysnaana halkii ayaan ka sii wadayaa.

 

Col. Guuber: eh eh eh, wallaahi, Meediyaha Soomaaliya ayaanba nacay saddex alifle iyo Korneylba waxay ugu yeerayaan korneyl . eh eh eh eh... war nimanyow waa lasyaqaan ee qof kasta ku magacaabo darajadiisa.

 

La soco sabtiga dambe. Waxaa diryaariyay C. Cali, Ruunkinet, London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this