Sign in to follow this  
Che -Guevara

War Deg Deg ah :Xoogaga al shabab iyo Xisbul Islaam oo Wax yar u Jira Qarsiga Mada

Recommended Posts

Wararka ka Imaanaya Magaalada Muqdosho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa shegaya in Xoogaga Al shabaab Ururka Xisbul Islaaam ayaa u dhow Qarsiga Madaxtooyada ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho oo ku sugan Yahya Madaxwaynaha Soomaaliya Shiikh Shariif shiikh Axmed iyo Rasul Wsaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Sharmarke oo Galabta Halkaasi ku qabtay Shir Jaraa,id oo lagu Ansixinayay in Dalka lagu Dhaqo Shareecada Islaamka.

 

Dagaalka Maanta Ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Dad kor u dhaafaya ilaa 28 ruux oo isugu Jira Shacab iyo labada ciidan ee istagaalaya waxayna wararku intaas ku darayaan in dhaawaca ka badan yahay 60 maadaama aan lahayn xogta dhabta ah ee dagaalka inkasoo isbitaalada la geeyay dhaawac gaaraya ilaa 60 qofood oo isugu jira ilmo dumar iyo dad waayeela ah .

 

Sidoo kale Galabat ayay aheed marka ay Isgoysyada Hawlwadaag iyo Bakaaraha oo ka kala tirsan Hawl wadaag iyo Hodan soo buux dhaafiyay xoogagga ka horjeeda DF ee dagaallada ba’an kula jira ciidamadeeda, iyagoo halkaasima ka wada dhaqdhaqaaq ciidan oo ku jiheysan dhinaca isgoyskada Sayidka iyo Dabka ee wadada Maka Al mukarama oo ah waddada kaliya oo ay maamulaan gacantana ku hayaan ciidamada dawladda marka loo eego wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho

 

Wixii warar ah oo ku soo kordha Dagaalka waxaa kala socotaan Shabakadda Warbaahinta Dayniile.com

 

 

-------------------- -------------------- --

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

 

 

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho(AllPuntland )-Xoogaga mucaradka aya maanta kaabiga ku qabtay xarunta madaxtooyada madaxweyne Shiikh Shariif kadib dagaalo xoogan oo ay ciidamada dawlada kula galeen xaafadaha ku dhaw dhaw xarunta madaxtoyada .

 

Dagaalki maanta oo si aad ah loogu awood sheegtay ciidamada dawlada ayaa isugu soo haray xaafadaha ku dhaw madaxtooyada , waxaana dagaalki marki uu madaxtoyada ku dhawaaday ay bilaabeen ciidamada Amisom madaafic ay ku garaacayaan ciidamada mucaaradka ee soo dhawada dhufeysyadooda.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu hakaday caawa fiidki inkasto wali la maqlayo madaafic lagu duqeynayo meelo ka baxsan goobaha dagaalka.

 

Dagaalkan oo galay isbuuc dhameystiran ayaa waxaa ku geeriyootay inta laga war hayo 150-qof halka ay dhaawacanyihin 350-dad lagu qiyaasay

 

Xafiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this