Sign in to follow this  
Paragon

Qarax ismiidaamin ah oo galabta lala beegsaday ciidamada Burundi

Recommended Posts

Paragon   

Muqdisho.08 April. 08 (Sh.M.Network)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax galabta ka dhacay xarunta Jaamacada Umada ee Magaalada Muqdisho oo fariisin u ah ciidamada Burundi kadib markii nin naftiisa soo huray uu isku qarxiyay Ciidamada Burundi.

 

Afhayeenka Ciidamada Burundi Kale minde Samna oo Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Jaamacada Marka uu qaraxa dhacay ka dib ayaa waxa uu sheegay in qaraxa ismiidaaminta ah uu ku dhaawacmay laba qof oo mid ka mid ah uu yahay ciidamada burundi qofka kalena uu yahay rayid, waxaana goob joogayaal Shabelle la xariirtay ay sheegeen in ay arkeen dhaawaca 7 qof oo rayid ah .

 

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada Uganda Mr Bo-Hoku Barigye oo shabelle la hadlay ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ku dhaawacmay laba katirsan ciidamada Burundi.

 

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay tahay mid si aad ah u bur burtay maadaama gaari wax yaabaha qaraxa laga soo buuxiyay uu gudaha u galay xarunta Jaamacada Umada ee Magaalada Muqdisho.

 

Waa markii ugu horeysay oo ciidamada Burundi lala beegsado qarax Tan iyo markii ay soo gaareen Caasimada somaliya ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this