Sign in to follow this  
ANWAR

Bilicda Muqdisho Oo Dib Usoo Laabaneysa 16-sano Kadib

Recommended Posts

ANWAR   

Bilicda caasimadda Somaliya ee Muqdisho ayaa waxa ey kusoo laabaneysaa sidii lagu aqoon jiray ka hor dagaaladii sokeeye, waxaana hada maamulka gobolka Banaadir kadib howlo nadaafadeed ku beerayaan goobihii jardiinooyinka iyo taalooyinka ey ka taagnaan jireen ubaxyo iyo waxyaalo soo jiita indhaha dadka.

 

Talaabadan ku beeridda ubaxyada goobahan ayaa timid kadib howlo nadaafadeed oo ey wadeen maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka Muqdisho, waxaana shacabka intiisa badan ey ku shaqeynayaan (Iskaa Wax U Qabso).

 

Mar ey socod ku mareysay saakay shabakadda warbaahinta calanka.com deegaanka KM.4 ayaa waxa indheheeda ku dhacayay howlo beerista dhirta ee hareeraha wadooyonka iyo taaladii dheereyd ee SAYIDKA oo iyana lagu abuurayo hoosteeda geedo iyo ubaxyo.

 

Waxaa sidoo kale socdaalka shabakaddu ey ku mareysay goobahan ayaa waxa ey qiimeyn ku sameyneysay amaanka xaafadahan oo runtii ahaa mid aad u wanaagsanaa, waxaana wadooyinka ku arkeysaa ciidamada boliska oo gawaari saaran qaarna wadooyinka ku lugeynaya.

 

Mar aan wax ka weydiinay dad ku sugnaa halkaa sida ey u arkaan howlaha ey maamulka gobolku ka wadaan gobolka Banaadir ee soo celinta Bilicdii Muqdisho ayaa waxa ey ka dhiibteen fikrado kale duwan iyagoo kuligood hadaladoodu u wada socdeen hal jiho oo ah in ey aad usoo dhaweynayaan howsha ka socota caasimadda.

 

Amaanka guud ee caasimadda ayaa ah mid aad u dagan in kastoo xiliyada galbihi iyo habeenkii ey xaafadaha qaar ey ka dhacaan dilal ey geystaan burcad ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo inta badan ey boolisku gacanta kusoo dhigaan.

 

Calanka.com:

 

THE FUTURE

Muqdisho5.JPG

Mogadishu%20view2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this