Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Maamulka degmada Caluula oo soo badbaadiyey dalxiisayaal Faransiis ah

Recommended Posts

Caluula - 04.May.2005 Maamulka degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa waxay badda ka soo badbaadiyeen dooni ay wateen dad dalxiisayaal ah oo u dhashay waddanka Faransiiska kadib, markii ay doonidii ay saarnaayeen halkaas kula xumaatay.

 

Doonidan ay oo ay wateen nin iyo haweeney Faransiis ah ayaa waxaa lagu arkay igaga oo ay doonidii ay saarnaayeen la sabbayneyso badda, kadibna uu maamulka degmada Caluula u diray dadkaas, dooni ay saaran yihiin ciidamo booliis ah, kuwaas oo u soo gudbiyey gudaha magaalada Caluula.

 

Labada qof ee Faransiiska ah ayaa sheegay in ay ka soo kicitimeen waddankoodii isla markaasna ay ku soo hakadeen magaalada Cadan ee waddanka Yemen, kuna socdeen jasiiradda Madagascar ee badweynta India.

 

Duqa degmada Caluula, Xareed Ciise Cumar oo maanta soo booqday Istuudiyaha Idaacadda SBC ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay dadkaas Faransiiska ah magaalada Caluula ku hayeen muddo shan casho ah , isla markaasna ay doonidii dalxiisayaasha cilladii ka sareen, una direen waddankii ay ku socdeen.

 

Ciidamada booliiska degmada Caluula ayaa doonidan iyo dalxiisayaasheedii u sii gelbiyey dhinaca badweynta ilaa iyo 40 mayl.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this