Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismasho iyo dhaawac ka dhacay masrax olole doorasho ka socday dalka Mexico

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture-1.png?resize=926%2C488&ssl=1

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu soo dumay masrax uu ka socoday isu soo bax olole doorasho oo ka dhacayay waqooyiga gobolka Nuevo León ee dalka Mexico, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka.

Burburkaan ayaa dhacay xilli uu musharraxa madaxweynaha ee xisbiga bidix-dhexe Jorge Alvarez Maynez uu khudbad ka jeedinayay magaalada San Pedro Garza Garcia, burburka waxaa sababay dabeylo lama filaan ah, Mr Maynez ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

Barasaabka gobolka Samuel Garcia ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay guryahooda ku ekaadaan sababtoo ah onkod iyo dabaylo xooggan oo aagga ka dhacaya.

Jorge Alvarez Maynez waa musharraxa xisbiga dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta, waxaana uu hadda ku jiraa kaalinta saddexaad ee doorashooyinka qaranka.

PUNTLAND POST

The post Dhismasho iyo dhaawac ka dhacay masrax olole doorasho ka socday dalka Mexico appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this