Sign in to follow this  
Juje

Jaamacadda Carabta oo dib u dhigtay qorshe ay dooneysay in Ciidamo ay ugu soo dirto D

Recommended Posts

Juje   

Jaamacadda Carabta oo dib u dhigtay qorshe ay dooneysay in Ciidamo ay ugu soo dirto Dalka Soomaaliya

 

Shebelle: QAHIRA

Jaamacadda Carabta ayaa dib u dhigtay qorshe ay Ciidamo Carbeed ugu soo diri laheyd wadanka Soomaaliya.

 

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusaa ayaa meesha ka saaray in ciidamo si deg deg ah loogu soo diri lahaa Dalka Soomaaliya oo kasocda wadamada Carabta kadib markii uu kasoo baxay kulan uu la qaatay Hoggaamiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Waxa uu sheegay in Ciidamo Carbeed ay shuruud u tahay marka hore in labada dhinac ee Soomaaliya ku dagaalamaya ay heshiiyaan isagoo intaasina raaciyay Soomaaliya in ay u muuqata mid xaaladeedu aad ay u kacsan tahay.

 

Dhinaca kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna markii uu kulanka kasoo baxay waxa uu codsaday in wadamada carabta ay Ciidamo u soo diraan Dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in mabda'ooda uu u baahan yahay keliya in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan gudaha wadanka Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxa uu ka codsaday Hoggaamiyeyaasha carabta in Soomaalida ay ka gacansiiyaan iyo wadankaba sidii loo horumarin lahaa geeddi socodka nabadda.

 

Kulanka kadib ayaa labada dhinac waxa ay isku afgarteen in ugu horeyn laga shaqeeyo sidii ay Ciidamada Itoobiyaanka dalka uga bixi lahaayeen, waxaana Sheekh Shariif uu sheegay in wada hadalkooda uu inta badan ku saabsanaa sidii loo badali lahaa Ciidamada Itoobiyaanka.

 

Joogitaanka Ciidamada Itoobiya waa caqabadda ugu horeysa, dhammaan kooxaha Soomaalida waxa ay doonayaan sidii ay Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi lahaayeen Wadanka Soomaaliya si iyaguna ay markaasi u heshiiyaan" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Wafdiga Isbaheysiga ayaa ka codsaday Jaamacadda Carabta sidii Soomaaliya Ciidamo carbeed loo keeni lahaa inkastoo arrintaasi Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta uu ku xiray shuruud ah in kooxaha Soomaalida ay heshiiyaan si caqabadda taagan looga hortago.

 

 

 

 

 

Shebelle Media Network - Source of Somalia News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this