Sign in to follow this  
Gar-haye

CWXO gains against ethiopian forces.

Recommended Posts

Gar-haye   

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

 

Dagaallo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex-maray meelo kala duwan oo ********ya ka mid ah, waxaa gumaysiga afar maalmood gudohood laga dilay ugu yaraan 57 askari, waxaa sidoo kale laga dhaawacay 47 askari, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka ********ya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

 

17/05/08 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Xadhadhamaha, oo ka tirsan Qabridaharre, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Isla 17/05/08 dagaal isaguna ka dhacay Nus-dariiqa, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 14 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

16/05/08 Abeesaale, oo Dhuxun ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 5 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

12/05/08 dagaal adag oo ka dhacay Cobolle, waxaa ciidammada caga-jiidka ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 20 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

09/05/08 dagaa isaguna ka dhacay Da*****ey waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 15 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

Shir ku saabsan halganka ********ya oo ka dhacay Oslo

 

Maalinimadii axadda ahayd waxaa magaalada Oslo ee dalka Norway lagu qabtay shir ballaadhan oo lagu qaadaa-dhigayay arrimo ay ka mid ahaayeen xadgdubyada ay maamullada soomaalidu u gaystaan dadwaynaha ********ya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ialaha dhaqaale ee halganka.

 

Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Jaaliayadda ********ya ee dalka Norway, waxaana ka qayb galay madax sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta ********ya JWXO iyo aqoonyahano shisheeye ah oo ku xeel-dheer arrimaha Geeska Afrika.

 

Shirkan waxaa khadaka tilifoonka kaga qayb galay guddoomiyaha JWXO Adimral Maxamed Cumar Cismaan, kaasoo sheegay in JWXO ay tallaabo adag ka qaadi doonto xilliga munaasabka ah maamullada daba-dhilifka ah ee Woqooyiga iyo Woqooyi Bari ee Soomaaliya, kuwaasoo dhibaatooyin badan u gaystay dadwaynaha ********ya, isla markaana qaar badan oo dadwaynaha ********ya ka mid ah u gacan galiyay gumaysiga Itoobiya.

 

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in CWXO ay diyaar u yihiin, karti buuxdana u leeyihiin inay dagaal furan la galaan ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga. Wuxuu ballan ku qaaday in ciidammada Wayaanuhu ayna xataa xeryohooda ku nasan doonin.

 

Waxaa isaguna shirkaas khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka Hoggaanka Arrimaha Jabhadda mudane Maxamed Yuusuf.

 

Waxaa iyaguna shirka ka hadlay masuuliyiinta Jaaliyadda ********ya ee dalka Norway iyo aqoonyahano ka socda Maxadka caanka ah ee loo yaqaano Maxadka Cilmbaadhista Arrimaha Nabadgelyada ee Oslo.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha Hoggaanka Arrimaha Dibada ee JWXO mudane C/axmaan Sh Mahdi ayaa isaguna daba-yaaqadii toddobaadkii hore ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta arrimaha ee Jabhada la dagaallama gumaysiga Itoobiya oo ka dhacay magaalada Farankfurt ee waddanka Jarmalka.

 

Shirkan waxaa lagaga hadlayay xadgudubyada uu gumaysiga Itoobiya ka wado ********ya, Oromiya, Sidamo, Bin Shangul iyo gobolka Amxaarada, waxaana ka qayb galay madaxda arrimaha dibada ee ururrada JWXO, OLF iyo Sidamo, kuwaasoo gabagabadii shirka ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wadashaynta ka dhaxaysa Jabhadaha hubaysan ee dagaalka kula jira gumaysatada Itoobiya.

 

Kaligii taliye Meles oo toogasho ku xukumay duuliyayaal millatari ah

 

Maamulka kaligii taliye Meles Zenawi ayaa dhawaan dil ku xukumay afar duuliye oo millatari ah oo dalka Itoobiya baxsasho kaga maqan. Warar xogogaal ah oo laga helay maamulka TPLF ayaa sheegaya in maxmakad millatari oo qarsoodi ahi ay dhawaan dil ku xukuntay afar duuliye oo sannadkii 2006 magangelyo siyaasadeed waydiistay xukuumadda Israa’iil, xilli ay halkaas tababar u joogeen.

 

Sida ay wararkani sheegayaan waxay maxkamadu denbiilayaal ka dhigtay oo dil ku xukuntay Kabtan Samuel Getachew, Lt. Himanot Gebre Mariam, Lt. Fikresleasie Fleke iyo Lt. Yitabrek Takele.

 

Taliska TPLF ee ka taliya Itoobiya ayaa dhibaato ba’ani ka haysataa sharaakiisha ka baxsanaysa iyadoo dhawrkii sano ee u denbeeyay ay ka baxsadaan saraakiil badan oo jannaraalo iyo kornaylo ku jiraan, kuwaasoo magangelyo siyaasadeed ka dalbaday wadammo kala duwan oo aduunka ka mid ah.

 

 

20 May 2008

 

Axmed Gaal-Eri

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this