Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Dib-u eegista Dastuurka oo Bilaabay Diyaarinta Cutubyada 5-aad iyo 9-aad ee Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka oo ku howlan diyaarinta cutubyo kamida dastuurka oo dib u eegis u baahan ayaa kulan ay yeesheen kaga dooday cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.

Guddoomiyaha guddiga Burhaan ayaa warbaxin guud ka siiyay xubnaha guddiga geeddi socodka dhamaystirka Dastuurka, ayadoo dood iyo falaqayn laga yeeshay diyaarinta cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee Dastuurka iyo dhamaystirkooda.

Gabagabadii, kulanka Guddoomiye Burhaan oo shirka soo xeray ayaa xubnaha guddiga ku amaanay dadaalkooda ku aaddan dhamaystirka Dastuurka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli war murtiyeedkii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga Qaranka lagu bogaadiyey wax ka dadelka lagu sameeyay afartii cutub ee ugu horreysay Dastuurka oo ay Barlamaanku ansixiyeen, sidoo kalena dhowaan la filayo in la dardargeliyo dhamaystirka Dastuurka si looga saaro ku meel-gaarka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this