Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix Ruux oo ay Ku Jiraan Dalxiisayaal Reer Yurub ah oo Lagu Dilay Gudaha Afgaanistaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddex muwaadin oo Afgaanistaan ​​ah iyo saddex dalxiisayaal Isbaanish ah ayaa lagu dilay bartamaha gobolka Bamyan ee dalka Afgaanistaan, sida uu sheegay maamulka Taliban ee dalkaa majaraha u hayaahi.

weerarka dadkan lagu laayay ayaa ka dhacay goobo suuq, waxayna dawladdu sheegtay in maydadka saddexda Afgaanistaaniyiinta ​​​​iyo saddex dalxiisayaal Isbaanish ah loo daabulay magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Kooxdan ayaa la rasaaseeyay xilli ay marayeen suuq ku yaalla magaalada buuraleyda ah ee Bamyan oo qiyaastii 180km u jirta magaalo madaxda dalkaas ee Kabul.

“Dhammaan meydadka waxaa loo wareejiyay Kabul, waxayna yaallaan waaxda dambi baarista, dhaawacyaduna waxay ku sugan yihiin Kabul, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayna waxaa ku jira haween,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Abdul Mateen Qani oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida laga soo xigtay Isbitaalada Bamyan, dadka dhaawacmay ayaa u kala dhashay dalalka Norway, Australia, Lithuania iyo Spain, afhayeenka wasaaradda arrimaha guduhuna wuxuu sheegay in dhimashada ay ku jiraan laba qof oo rayid ah oo reer Afgaanistaan ​​ah iyo mid ka tirsan Taliban, kuwaas oo dhex mushaaxayeen bacadlaha markii la weeraray.

Laamaha nabad-galyada dalkaas ayaa xabsiga dhigey 7 Eedeysane oo mid ka mid ahna waa la dhaawacay markii la soo qabanayay, haddana uu baaritaan ku socdo,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this