Sign in to follow this  
Deeq A.

Firdhiye iyo Golaha Wadatashiga: Dhibco mise dhirbaaxo muxuu SSC uga dhigan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2024-05-15-at-7.08.19-PM-

Muqdisho (Caasimada Online) – Arbacadii waxaa shirka Goalaha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho uu wareysi la yeeshay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, kaas oo la sheegay inuu howl kale u joogay magaalada Muqdisho.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa markii hore ku fashilantay inay caddeyso ujeedka safarka Firdhiye. Mar waxay sheegeen inuu u yimid in uu shirka ka qeyb-galo kadibse waxay beddeleen qoraalkii oo waxay sheegeen inuu arrimo shaqo oo kale u yimid.

Firdhiye iyo Khaatumo kuma jiraan madashan. Ma ahan inay sida Puntland diideen ee shirka waxaa qabata dowladda dhexe, taas oo aan weli aqbalin inay Khaatumo xubin ka noqoto golahan ama ay u aqoonsato maamul goboleed rasmi ahaa.

In shalay Firdhiye golaha tago waxaa la sheegay inuu sababteeda lahaa hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, kaas oo golaha ku cadaadiyay inuu Firdhiye madasha yimaado oo ugu yaraan la dhageysato xaalka deegaanada Khaatumo.

Micnuhu tani ma aheyn garashada dowladda dhexe. Maamulkan la yiraahdo Khaatumo illaa hadda looma aqoonsano maamul goboleed rasmi ah, laakiin waxaa la filaayay inay dowladda dhexe siiso maqaan lamid ah midka magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir isaga oo aan maamul goboleed aheyn ayuu shirkaan ka qeyb-gala, waxaana la filaayay in ugu yaraan intaas oo kale loo ogolaan doono Khaatumo, balse tiina waa socon weysay.

Wareysigii Arbacadii lay marka dhanka siyaasadda laga eego Firdhiye leeyahay weli xitaa laguma siinin aqoonsi gaarsiisan midka Banaadir oo iyadu boos joogta ku leh golahan, fadhisayna halkii lagu wareysanaayay hoggaamiyaha Khaatumo.

Laakiin marka dhinaca kale laga istaago in Firdhiye oo Xamar jooga aan marna shirka qaabilin waxay ahaan laheyd mid aan u fiicneyn madaxda halkaasi ku shirsan.

Isaga, Firdhiye ahaan wuxuu u muuqda nin weli xoojinaya inuu maamulka noqdo mid haysta aqoonsi iyo ogolaansho dhameystiran, taas waa in lagu bogaadiya.

Inuu kulamada nuucaan ah tago Firdhiye, oo uu ka sheego qadiyadooda waxay dadka reer Khaatumo ka heli karaan xooga nafs siyaasadeed ah, dejin shacab, rejo mustaqbalka ah ayaana laga dheehan karaa iyo inay dhinac kale weli shaqo badan h dhiman tahay reer Khaatumo oo u halgamaya inay maamul buuxa noqdaan.

Wareysiga Firdhiye ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal-hayay in maamulka Somaliland uu diyaarinayo dagaal rogaal-celis ah oo uu ku qaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

The post Firdhiye iyo Golaha Wadatashiga: Dhibco mise dhirbaaxo muxuu SSC uga dhigan yahay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this