Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib usoo laabashada James Swan oo aan ka farxin doonin Xasan Sheekh + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Swan.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa habeen hore ku dhowaaqay in James Swan uu noqonayo ergeygiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya iyo madaxa howl-galka QM ee arrimaha Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM.

Muddada shaqo ee danjire James Swan waa kumeel-gaar. Ninkan u dhashay waddanka Mareykanka oo booskan horey usoo qabtay wuxuu beddelaya Catriona Laing, oo u dhalatay Ingiriiska.

Haweeneydan shaqada ka tagtay ayaa la sheega inay aheyd mid aad u hadal cad-cad balse aan farsamo badneyn. Antonio Guterres ayaa ugu mahad-celiyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay ka qabatay Soomaaliya.

James Swan waa diblumaasi qabiir ku ah arrimaha Afrika. Wuxuu 2019 illaa 2022 ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo ninka ugu sareeya xafiiska UNSOM.

Horey wuxuu usoo noqday safiirka Mareykanka ee DR Congo intii u dhaxeysay 2013 illaa 2016 iyo sidoo kale safiirka Mareykanka ee Jabuuti oo uu ahaa intii u dhaxeysay 2008 illaa 2011.

Waxaa si weyn loogu amaana maareynta marxaladaha kala guurka ah. Wuxuu kusoo laabanaya Soomaaliya oo uu madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, mid kamid ah siyaasiyiintii uu cabashada ugu badan ka dhageystay intii u dhaxeysay 2019 illaa 2022.

Xasan Sheekh iyo James Swan si fiican ayay isku garanayaan. Waxay marar badan mucaaradka uu Xasan Sheekh ku jiray la wadaageen James Swan in uusan Farmaajo doorasho rabin, inuu dalka kala jaraayo, inuu Puntland iyo Jubbaland isagu ka gardaran yahay iyo inuu yahay kaligii taliye.

Markaan waxaa is arkayaa Xasan Sheekh oo ay Puntland isku dhacsan yihiin iyo Swan. Xasan Sheekh oo lagu eedeynayo inuu doorasho u gaar ah tolanayo iyo Swan. Xasan Sheekh oo musuq-maasuq loo haysto iyo Swan iyo Xasan Sheekh oo kaligii talisnimo iyo dastuur ku tumasho lagu eedeynayo iyo James Swan.

Dabcan waxaa ka marneyn mucaaradkii mucaaradkii Xasan Sheekh la socon jiray sida; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo intii ay Farmaajo ku haysteen ka badan ku haysta Xasan Sheekh, kuwaas oo hor fariisan doona ergeyga cusub ee QM ee Soomaaliya James Swan oo ay si fiican isku garanayaan.

Marxaladda uu maanta ku jiro madaxweyne Xasan Sheekh inuu kusoo aado wakiil sidaas xoogan u fahamsan arrimaha Soomaaliya oo garanaya halka ay kusoo dhamaato indho-sarcaadka madaxda Soomaalida uma fiicna Xasan Sheekh.

Dib usoo celinta James Swan ee arrimaha Soomaaliya waxay sidoo kale kusoo aadeysa xilli dhawaan ay dowladda federaalka Soomaaliya dalbatay in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya (UNSOM) taas oo aan weli wax jawaab ah laga siinin.

Sidoo kale waxay magacaabistan imaaneysa xilli uu khilaaf siyaasadeedka Soomaaliya xoogan yahay, Siddeed bilood aan dagaal lagu qaadin argagixisada, musuqana uu xarkaha goostay, lagana walaacsan yahay nuuca doorashada soo aadan.

The post Dib usoo laabashada James Swan oo aan ka farxin doonin Xasan Sheekh + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this