Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha dal ka mid ah Yurub oo fagaare lagu toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_0435.jpeg?fit=624%2C416&ssl=1

Handlova (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii dalka Slovakia ayaa goordhow la toogtay, isagoo ka soo baxaya xafiiskiisa, waxaana lasoo werinayaa inuu ku sugan yahay xaalad adag.

Dhaawaca Ra’iisul Wasaaraha waxaa lagu qaaday diyaarad helikobter ah, waxaana oo la geeyay magaalada Banská Bystrica.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa sidoo kale ka falceliyay warkan soo baxay, isagoo sheegay inuu “naxay”.

Ra’iisul wasaaraha Slovakia Robert Fico ayaa dad ku hor salaamayay xarun dhaqameed oo ku taalla bartamaha magaalada Handlova ee Slovkia markii dhowr xabadood lagu furay.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa laga arkayaa Ra’iisul Wasaaraha oo la toogtay kadibna dhacaya, waxaana la cararaya oo gaari ku qaadaya ilaaladiisa.

Booliska ayaa xiray nin loo maleynayo inuu geystay Toogashada, kaas oo lagu soo bandhigay bartamaha magaalada Handlova ee lagu toogtay Ra’iisul Wasaaraha.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in ilaa iyo hadda warbixinnada la helay ay sheegayaan in ninka weerarka geystay oo 71 jir ah, uu ka soo jeedo tuulo ku taal bartamaha dalka Slovakia.

Bistoolada rasaasta laga furay ayaa la sheegay in si sharci ah loo haysto, sida lagu baaritaanada hordhaca ah ee la sameeyey.

Ilaa hadda lama oga sababta uu ninkaasi weerarka u geystay, muuqaalka ayaa muujinaya dad rayid ah iyo ilaalo oo tuhmanaha ku xiraya bannaanka xarunta dhaqanka ee Handlova, halka ra’iisul wasaaraha deg deg loola cararay dhaawaciisa.

The post Ra’iisul Wasaaraha dal ka mid ah Yurub oo fagaare lagu toogtay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this