Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh iyo Imaaraadka: Natiijada labada fursadood ee Xasan uu bixiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-iyo-imaaraadka.jpg?fit=2048

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku tiirsanaanta Villa Somalia ee nidaamka Abu Dhabi waa gaba-gabo, laakiin taliska madaxweyne Xasan Sheekh weli ma rabo inuu xaqiiqada u bareero, wuxuu naawilayaa rejo dambe.

Tan iyo markii Imaaraadka ay joojiyeen lacagihii kabka ahaa ee ciidanka dowladda, lana baxeen diyaaradahoodii Drones-ka ahaa ee ay kaga qeyb qaadanayeen la-dagaalanka argagixisada, waxaa muuqaneysa in lagu jiro marxaladii kala guurka labada dal.

Xasan Sheekh oo Imaaraadka saaxiib la ahaa kal xukunkiisi hore ayaa gacan fiican ka helin intii uu mucaaradka ahaa iyo intii uu ku jiray geedigiisi dib u doorashada. Waxaana laga dharagsanaa sida uu Saciid Cabdullaahi Deni u ahaa musharaxa dhabta ah ee Abu Dhabi, laakiin Xasan Sheekh markale ayuu fursad siiyay Imaaraadka iyaga oo aan doorashadiisi wax badan tarin.

Si aan qarsooneyn weli Imaaraadka waxay raadinayaan inuu Saciid Deni majaraha u qabto Villa Somalia doorashada soo aadan, waxaana hada laga dareemaya saan-saan ah inay u jiheysteen marxalada xigta ee doorashada Soomaaliya.

Taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxa uu sheegay in mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee uu ka dhismi la’yahay ciidanka qaranka Soomaaliyeed inay tahay dowladda Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sheegay in kal xukunkoodii ay ku faa’iideen in la bur-buriyo heshiiskii amni ee dowladdii hore ee Xasan Sheekh u saxiixday Imaaraadka Carabta, taasina ay aheyd middii u sahashay inay dhisaan ciidan qaran oo macno leh.

Heshiiska cusub ee amniga la xiriira ee uu madaxweyne Xasan Sheekh siiyay dowladda Imaaradka Carabta ayuu Fahad Yaasiin sheegay inuu durba sababay bur-burkii ciidanka qaranka ee la dhisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh mar labaad ayuu gacmaha u dhiibtay maaraadka, kuwaas oo marwalba jecel in saameyn amni iyo mid dhaqaale ku yeeshaan dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.

Balse weli waxaa la raadinayaa dowlad ka faa’iiday. Madaxda Soomaalida qaar kama dhamaadaan macaamilka Abu Dhabi, laakiin wax badan dowlad ahaan loogama faa’iido. Waa macquul inay siyaasiyiinta qaar ka helaan xooga dhaqaale ah oo ay akoonnadooda shaqsiga ah ku shubtaan.

Xasan Sheekh oo laba jeer loo doortay xukunka Villa Somalia, labada jeerba iyada oo ay Soomaali badan diidan tahay ayuu fursad siiyay Imaaraadka.

Laakiin dhamaadka muddo xileedkiisi hore waxaa la xasuusta in Dubai looga yeeray dhamaan madaxda maamul goboleedyada kadibna lacag lagu siiyay in uusan Xasan Sheekh kusoo laaban xukunka, laakiin inay Xasan bixiyeen waxba kama faa’iidin Imaaraadka oo waxaa yimid Farmaajo oo aad u diidan siyaasadaha Imaaraadka.

Markale Xasan Sheekh fursaddii oo kale iyo mid ka xoog badan ayuu siiyay Imaaradka, laakiin hadda waxay u ruqaansadeen sida muuqata inay fashiliyaan, meel fogna ma jirto in la arko iyaga oo Dubai ku shirinaya madaxda maamul goboleedyada oo kala hadlaya in Xasan Sheekh la bixiyo.

Hadda dowladda Imaaraadka marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxay macaamil toos ah la leeyihiin Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.

The post Xasan Sheekh iyo Imaaraadka: Natiijada labada fursadood ee Xasan uu bixiyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this