Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo loo magacaabay sii-hayaha Ergeyga QM ee Somalia iyo xafiiska UNSOM

Recommended Posts

Deeq A.   
James-Swan.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u magcaabay James Swan inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Swan oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

James Swan ayaa si ku meel gaadh ah xilkan u sii haynaya, kadib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahad-celiyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag.

James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.

Kahor, wuxuu sidoo kale u soo noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

James Swan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha dibedda Marwykanka oo ay ku jirto inuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika intii u dhexeysay 2006 illaa 2008.

The post James Swan oo loo magacaabay sii-hayaha Ergeyga QM ee Somalia iyo xafiiska UNSOM appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this