Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Maxkamadda oo soo saartay go’aan ku saabsan kiiska Koofi, Cabdul iyo Saabey

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdul-Koofi-Saabey-saalax-dabaan-maxkam

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aan ka soo saareysa dacwad musuq maasuq oo loo heysto masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, gaar ahaan in ka badan 10 agaasime oo ka soo shaqeeyey hey’adda socdaalka, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Masuuliyiintaan ayaa loo heystaa xatooyo xoolo dadweyne waxayna maxkamadeyntoodu socotay dhowr bilood, iyadoo lagu soo oogay kiisas musuq maasuq oo xasaasi ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Dabaan ayaa maanta ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyey dhageysiga dacwadii loo heystay ragaas, isla markaana ay hadda dhiman tahay in go’aan laga soo gaaro.

Guddoomiye Saalax ayaa sheegay hadda kiiskaan musuq maasuqa ah loo gudbiyey go’aan ka gaaris, isagoo sheegay inay shaaci doonaan go’aanka maxkamadda la gaaro, inkastoo uusan shaacin waqti rasmi ah.

“Maxkamaddu si waafaqsan qodobka 119, waxay halkaan ku joojisay dhageysiga kiiskaan iyo doodii socotay, maxkamaddu go’aan ayey u dirtay galkaan, dhinacyaduna waxay ka soo saari doonaan go’aan, kaas oo bulshada lala wadaagi doono,” ayuu yiri guddoomiye Saalax Dabaan oo soo xiray fadhigii ugu dambeeyey ee maanta ay maxkamaddu ka yeelatay kiiskaas.

Agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Korneyl Koofi, Cabdul iyo agaasimihii canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Muxudiin Saabey ayaa ku jira ragga kiiskooda go’aanka laga gaarayo.

Kiiskaan ayaa ku dheeraday maxkamadda gobolka Banaadir, kadib markii xeer ilaalinta iyo hantidhowrka qaranka ay eedeymo culus ku soo oogeen ragaan agaasimayaasha ka soo noqday xafiisyada qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, isla markaana la sheegay in la lunsaday malaayiin doolar.

Waxaa la sugayaa go’aanka ay soo saari doonto maxkamadda gobolka, iyadoo uu jiro tuhun iyo warar toos loo dhahay oo sheegayey in kiiskaan lagu sumcad dilayo masuuliyiinta loo heysto oo ay is hayaan rag xilal ka haya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Maxkamadda oo soo saartay go’aan ku saabsan kiiska Koofi, Cabdul iyo Saabey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this