Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo Dhagax Dhigay Dib u Dhiska Waddada Isbitaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Maamulka ku meel gaarka ah ee Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo ay weheliyaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adaha maamulka ayaa dhagax-dhigay dhismaha iyo dib u dayactirka waddada cusbitaalka Laascaanood.

“Waddadani waa waddo muhim ah oo aan inaga sii burbursanaan karin, waxaynuna ku dhisanaynaa isku-tashi, waanan ku bogaadinyaa Maamulka Degmada Laascaanood shaqada wacan ee ay gacanta ku hayaan” ayuu yiri hoggaamiye firdhiye.

Waddadan ayaa dhibaato xoog lihi ka soo gaaray dagaalladii iyo duqaymihii ay soomaaliland ka geysatay magaalada Laascaanood sanadkii 2023, waxaana uu tilmaamay in ay qeyb ka tahay mashaariicda dib u dhiska ah ee lagu hormarinayo Laascaanood.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this