Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo war ka soo saaray Caano-shubka Ugaaska Xawaadle

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_0360.jpeg?fit=960%2C641&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu hambalyo ugu diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta lagu caano shubay deegaanka Dahara Ugaas ee hoos-taga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Ugaaska in uu u fududeeyo masuuliyadda-dhaqan ee loo duubay, waxa uuna tilmaamay mudnaanta ay siinayso dowladdu arrimaha dhaqanka, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kula dardaarmayaa Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan in uu sii ambaqaado kaalinta soo jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay Ugaaska, oo door wanaagsan ku leh, bulshada Hiiraan, reer Hirshabeelle iyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Deegaanka Daaro-Ugaas ee maanta ay ka dhacday xafladda caano-shubka ah ayaa ka mid ah deegaanadii dhowaan laga xoreeyey kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin inta badan xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan, Taliyaha NISA iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa ka qeyb galay xafladda Caano-shubka Ugaaska.

Sidoo kale xafladaas waxaa maanta ka qeyb-gelay duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya, maadaama aad loo ciseeyo Ugaaska beesha Xawaadle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka soo jeeda gobolka Hiiraan, maadaama Hooyadiis ay tahay Xawaadle, wuxuuna mar kasta ku faanaa inuu ku soo koray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo Abtiyaashiis ay degaan.

Xawaadle ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee sida weyn u qadariya dhaqanka, waxayna caan ku yihiin inay ka dambeeyaan, taladana ka qaataan ugaaska.

The post Madaxweyne Xasan oo war ka soo saaray Caano-shubka Ugaaska Xawaadle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this