Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo siidaysay ajaanib iska soo dhiibay Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta xorriyadoodii u celisey 6 eedaysane oo ajaanib ah, kuwaas oo u kala dhashay dalalka Itoobiya iyo Marooko.

Ajaanibta xoriyadooda la siiyey ayaa lagu wareejiyey wasaaradda caddaaladda dowladda Puntland si loogu diro dalkoodii.

Sidoo kale maxkamaddu waxay xorriyadoodii siisay 6 dhallinyaro ah oo aan gaarin da’da qaan-gaarka. Dhalinyaradaan ayaa iyagana lagu wareejiyey wasaaradda caddaaladda, si loogu sameeyo dhaqancelin oo looga tirtiro xagjirnimada.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sidda iyo dambiyada culus ee dowladda Puntland G\sare Cabdifatax Xaaji Aadan ayaa sheegay in ajaanibtaan ay isku soo dhiibeen dawladda kadib markii ay kasoo baxsadeen kooxda Daacish.

FB_IMG_1715616207506.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1715616173746.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1715616182341.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1715616189729.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1715616202865.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Puntland oo siidaysay ajaanib iska soo dhiibay Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this