Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo guul weyn ka gaadhay doorashada xisbiga dimuquraadiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa ku guulaysatay taageerada iyo doorashada xisbiga dimoqoraadiga ah ee DFL ee gobolka Minnesota kaas oo ah tartankeedii dib-u-doorashada ee degmada 5-aad ee Koongareeska Minnesota wareeggii koowaad ee codbixinta.

Taageerada ayaa daah furaysa ujeedada xisbiga ee gobolka ka hor tartanka hordhaca ah ee bisha Agoosto.

Xildhibaan Ilhaan ayaa ku guulaystey taageerada xubintii hore ee golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo ay kaga adkaatay Don Samuels oo ah ninka la tarmaya, kaasoo ay kaga guuleysatay boqolkiiba laba kaliya 2022-kii. Intii lagu guda jiray qayb su’aalo iyo jawaabo ah oo ka mid ah shirarka, Ilhaan Cumar ayaa wax laga waydiiyay dagaalka Qasa oo ay ku tilmaantay “xasuuq.”

“Ma jirto qaab aan anaga muwaadiniinta dalkan ugu ogolaan karno in aan canshuurteena dollarka ku bixino bambooyinka lagu baabi’inayo dadka rayidka ah,” ayey Ilhaan Cumar ku tidhi hadal ay ka hor jeedisay kasoo qaybgalayaasha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this