Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda oo Ka Qeybgalay Shirka Wasiirrada Maaliyadda Jaamacadda Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay Fadhiga 33-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Magaalada Manama ee xarunta boqortooyada Bahrain.

Shirkaan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee dhaqaalaha Dalalka Carabta,wadajir looga shaqeeyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo in la abuuro fursado sare loogu qaadayo maalaglinta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Cige oo kulanka kadib qoraal kooban ku shaaciyay bartiisa Ex ee horey loo oran jirey Twitter ayaa sheegay in shirku uu Soomaaliya muhiimad gaara u lahaa, islamarkaana looga dooday arrimo ay ka mid tahay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo ka soo kabanaysa burbur iyo colaado sokeeye oo sanado badan ragaadiyay ayaa hadda ku dadaalaysa inay xoojiso dhaqaaleheeda, ayadoo wasiir Biixi uu dhowaan sheegay in dakhliga dowladdu uu afartii bilood ee la soo dhaafay boqolkiiba soddon kordhay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this