Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Afrika oo Caalamka Ugu Baaqday Inaan Indhaha Laga Laaban Xasuuqa Israel Ku Heyso Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Koonfur Afrika ayaa ugu baaqday caalamka in aan indhaha laga qarsan xasuuqa joogtada ah ee lagu hayo shacabka reer Falastiin ee ku sugan Qaza, xilli dhowaan Koonfur Afrika Isarel ay ka gudbisay dacwad ka dhan ah maxkamadda ICC.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay wax ka qabato dhibaatada lagu hayo Falastiiniyiinta, isla markaana aan indhaha laga qarsan xasuuqa joogtada ah ee lagu hayo shacabka reer Falastiin ee marinka Qaza.

Ramaphosa ayaa bayaan uu soo saaray bayaan uu soo saaray ku sheegay in dunidu ay tahay inay sameyso dadaallo dheeraad ah si loo soo afjaro cadaadiska lagu hayo Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan xasuuqa maalin lahaa ee ay Israa’iil ku hayso dadka rayidka ah ee reer Qaza.

Waxa uu intaa ku daray in xadgudubyada xuquuqul insaanka ee baaxadda leh ee ay Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta ay gaadheen heerar aan la fahmi karin oo naxariis darro, nacayb iyo rabshado xad dhaaf ah leh.

Dowladda koofur Afrika ayaa kamida dalal dhowr oo meel adag iska taagay duullaanka gardarrada ah ee ay Israa’iil ku hayso dadka rayidka ee ku sugan Marinka Qaza, waxayna dacwad ka dhan ah maamulka Netanyahu u gudbisay maxkamadda caddaaladda adduunka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this