Sign in to follow this  
Deeq A.

Deeq Xoola ah oo Lagu Wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka ee Dhowaan Al-shabaab Kula Dagaalamay Deegaanka Taflo

Recommended Posts

Deeq A.   

Deeq xoolo nool ah oo la gaarsiiyay ciidamo dhawaan guulo ka soo hooyay dagaalka ay kooxda Alshabaab kula galeen deegaanka Taflo ee hoostaga Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Deeqdan oo loogu talo-galay in ciidanka lagu dhiirigeliyo ayaa waxaa ku wareejiyay Sanator Cabdiweli maxamed Ibraahim “Xaabsade” iyo siyaasadi Cabdifitaax maxamed Ibraahim “geesay”, waxaana ka guddoomay wasiirka amniga koofur galbeed, Guddoomiyaha degmada bardaale, iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada.

Masuuliyiintan oo ay deegaanka doorashadoodu degmada bardaale ayaa sheegay in ujeeddadan ay deeqdan ugu wareejiyeeni ay tahay inay ciidamada ku dhiirigeliyaan howl-gallada iyo dagaalka adag oo ay kula jiraan kooxda Alshabaab.

Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka koofur galbeed iyo guddoomiyaha degmada bardaale ayaa si wadajir ah u tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ciidamada la garab istaago, islamarkaana la xoojiyo howl-gallada ka dhanka ah Alshabaab.

Deegaanada koofur galbeed ayaa kamida meelaha ay howl-galladu ciidamadu si xoogga leh uga socdaan, ayadoo maalmihii la soo dhaafay la soo bandhigay dagaalyahanno badan oo halkaa lagu soo qabtay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this