Sign in to follow this  
Somalina

Wasiir Yemen: Dalka Yemen wuxuu la mid noqon kara Soomaaliya

Recommended Posts

Somalina   

November 2, 2010

 

Masuul ka tirsan Dawladda Yemen ayaa ka deyriyey in Yemen ay lamid noqon karto dalka Soomaaliya hadii ay kusii socoto waqtiga xaalada ay ku jirto.

JALAL_Yacqoub1.jpg

 

Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee dalka Yemen Jalaal Yacquub oo u waramaayay Telefishinka CNN xafiiska ay ku leedahay dalka Britain ayaa sheegay in hadii aan kor loo qaadin maalgashiga lagu sameeyo dalkaas Yemen ay la mid noqon karto Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay in Yemen ay tahay wadan awood leh oo Dawlad ka jirto balse hadii aan maalgashi badan lagu sameyn ay xaaladeeda isku bedeli karto Soomaaliya.

 

Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee Yemen ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Yemen aysan helin wax xuquuq ah waqtigaan kaas oo ah mid loogu talagalay in ay helaan.

 

Hadalka Wasiir kuxigeenka Maaliyada ee Yemen ayaa imaanaya xilli Dawladda Yemen ay heegan gelisay amniga dalkeeda waayadan,iyadoo diyaarado nooca xamuulka qaada oo ka yimid Yemen laga helay bambaanooyin.

 

Kooxaha xagjirinta sida Al-qaacida ayaa sanadihi lasoo dhaafay kusii xoogeysanayay gudaha dalkaas Yemen,waxaana ay dagaal ku qaadan goobaha Dawladda.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this