Sign in to follow this  
Gabbal

An end to roadblocks in the southernmost part of the country.

Recommended Posts

Gabbal   

Isbaarooyinkii yiilay inta u dhaxeysa Xaramka iyo Jilib oo la qaaday.

 

Jilib 06 Jan. 06 ( Sh.M.Network) Isbaarooyin teedsanaa inta u dhaxeysa Xaramka ilaa iyo degmada Jilib ayaa lagu guyuleystay in la qaado, ka dib markii odayaal iyo saraakiil ka tirsan isbaheysiga D/jubba ay wada hadal la galeen maleeshiyooyinkii isbaarooyinka u yiilay.

 

Suldaan Aadan Garab oo ka mid ah salaadiinta gobolada Jubooyinka iyo saraakiil ka tirsan isbaheysiga D/jubba oo mudooyinkaan ku sugnaa halkaasi ayaa ka qaaday dhowr jidyooyo oo tiilay wadada isku xirta Xaramka Ilaa iyo Jilib, ka dib markii laga dhaadhiciyay maleeshiyooyin ku sugnaa halkaasi in ay qaadaan jidyooyooyinka.

 

Inta u dhaxeysa Jilib ilaa iyo Xaramka ayaa waxaa mudo ka badan labo sano ku sugnaa koox maleeshiyaad ah oo dhibaayeeya Gaadiidka iyo waliba dadka safarka ah ee isticmaala wadadaasi.

 

Isbaarooyinkii yiilay wadadaasi oo kor u dhaafayay inka badan 10 jidgooyo ayaa waxaa laga soo reebay 1 jidgooyo oo la dhigay degaanka Lugashow, oo ay ku sugan yihiin 11 ruux oo iyagu nidaamiya qaabka casnhuuraha ay u qaadanayaan, iyadoo sidoo kale la sameeyay ciidamo gaaf wareegaya wadooyinka si ay u sugaan amniga.

 

Gaadiidleyda ku safarta wadada u dhaxeysa Xaramka ilaa iyo Jilib ayaa lagu wargaliayay in ay isku soo haleyn karaan amniga wadadaasi, sida uu Shabelle u sheegay Suldaan Adan Garab oo ka mid ah salaadiinta gobolada Jubooyinka.

 

Wadada u dhaxeysa Jilib iyo Xaramka ayaa in mudo ah waxaa ka taagnaa dhibaatooyin dhinaca amaanka ah, iyadoo lagu dhacay gawaari fara badan, dad rakaab ahna lagu dilay.

 

 

Farxaan Lafoole

 

Shabelle Media Network, J/dhexe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yeniceri   

About time! But these leaders need to provide those isbaaro boys better alternatives, such as access to education and jobs, lest the Jubba Valley experience the return-of-the-isbaaro episode which shook Xamar recently. Removing the isbaaro is Part 1 of the Resolution - Part 2 decides whether or not those isbaaro return with a vengeance. Let's hope those leaders succeed in Part 2.

 

Nonetheless, a positive step.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this