Sign in to follow this  
Deeq A.

UNDP oo Soomaaliya Ka Taageeraysa Dib u Dhiska Kaabayasha Dhaqaalaha Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib udhiska iyo Guryeynta XFS Wasiir Mudane Abdisalam Ali Dhaay oo ay wehlinayeen qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya Mr Lionel Laurens iyo kuxigeenkiisa Mrs Sophie Kemkhadze.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga shaqo Wasaaradda howlaha guud iyo Hay’adda UNDP, kor uqaadida dib udhiska kaabayasha dhaqaalaha Dalka oo xiligan UNDP gacan weyn ka geysaneyso iyo sidii UNDP ay uga taageeri laheyd Wasaaradda sharciyada dhismaha Dalka, tabarada iyo tayeynta shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiir Abdisalam Ali oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyey taageerada UNDP ee Somaliya iyo howlaha ay Dalka ka hayaan, waxa uuna uga mahad celiyey wadashaqeynta gaarka ah ee ay la leeyihiin Wasaaradda howlaha guud iyo kulankooda maanta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this