Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal wasaare Xamze oo kulan la yeeshay Ergayga maraynka ee geeska Africa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah ayaa kulanka diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Mareykanku ku taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida guud ee Gobolka ayaa lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Raysal wasaare Xamze.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda   Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska raysal wasaraha soomaaliya.

PUNTLAND POST.

The post Raysal wasaare Xamze oo kulan la yeeshay Ergayga maraynka ee geeska Africa. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this