Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan Sheekh oo war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
437533839_869259938578480_82729433051910

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha ee maanta kaga hadlay xadgudub ka Itoobiya ee madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay qorshihiisa dhinacyada dhameystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka dalka iyo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

Qeybtaan waxaan ku eegeynaa sida uu Maxaxweynuhu uga hadlay damaca Itoobiya ay ku raadineyso badda Soomaaliya, isagoo sheegay in waxaba aysan iska bedelin xiisadii qaraxday bilowgii sanadkaan, kadib markii heshiis qar-iska tuurnimo ah uu Muuse Biixi badda ugu saxiixay Itoobiya.

“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ogadaan u jeedka damaca Itoobiya waa soo jireen, wuxuu ku dhammaan donaa kiiskaan sida isku dayadii hore ee soo jireenka ahaa, mana jirto wax lagu badalan karo Baddeena,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaxda labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay qaadeen talaabooyin aysan ka fiirsan, taasi oo sababtay in marar badan ay qalqal gasho xasiloonida labada shacab ee deriska ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda Abiy Axmed uu ku haminayo inuu soo afjaro rajadii fogeed ee Itoobiyaanku ay ku raadinayeen badda, maadaama ay arkaan ee Soomaaliya ay mar kale soo kabaneyso.

“Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu arkaa in Soomaaliya soo kabaneyso, tariikh inteeda badan madow ayaa nasoo dhexmartay Itoobiya, waad la socotiin wixii dagaalo na dhex-maray iyo wixii ay Muqdisho ka geysteen ciidamada Itoobiya markii ay soo galeen, marka hadda waxay arkaan in Soomaaliya ay soo kabaneyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in damaca Itoobiya uusan waxaba ka bedeli karin Soomaaliya, isla markaana uu rajeynayo in dagaalo iyo dhibaatooyin kale aysan dhexmarin labada dal ee deriska ah.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Xasan Sheekh oo war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this