Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo soo bandhigay rag kufsi wadareed yaab leh ka geystay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
boolis-wado-xiran.jpg?fit=720%2C480&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay 5 nin oo ku eedeysan inay kufsi ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo wajahaya eedeymo culus.

Raggaan ayaa kufsaday hal gabar, waxayna booliska Soomaaliya soo bandhigeen sawiradooda, inkastoo markii dambe ay warbaahinta codsadeen in sawirada aan loo isticmaalin baraha bulshada.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigey Eedaysanayaal Kufsi Wadareed  u geystey  Gabar Soomalaiyeed

Markay Taariikhda Aheyd  10-05-2024 abaaro 06:00pm Fiidnimo waxaa Howl-gal lagu Soo Qabtey 5  Eedeysane oo Kufsi wadareed u geystey Gabar Soomalaiyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska.

Eedeysanayaashaaan ayaa lagu sheegay qoraal inay Gabadha ku kufsadeen  degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Si gaar ah kufsi wadareedkaas ayaa gabadha loogu geystay Waaxda Horseed ee degmada Xamarweyne, waxayna arrintaasi noqotay mid ka yaabisay dadka xaafadaasi ku nool.

Raggaan ayaa gabadha la galay guri jajaban oo ku yaala waaxdaas, waxayna isku dayeen in kufsiga kadib ay baxsadaan.

Booliska degmada  Xamarweyne oo kaashanaya shacabka ayaa dadaal dheer kadib ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan raggii kufsiga u geystay gabadha.

5-ta  eedeysane ee kufsigaas loo heysto ayaa hadda ku xiran saldhigga Booliska Degmada Xamarweyne, waxaana la hor geynayaa cadaaladda, sida lagu shaaciyey qoraalka booliska.

The post Booliska oo soo bandhigay rag kufsi wadareed yaab leh ka geystay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this