Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan oo ka hadlay doorashada uu qabanayo iyo qadiyadda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha ee maanta qeybtaan kaga hadlay arrimaha doorashooyin uu qorsheynayo inuu dalka ka qabto iyo qadiyadda Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn sheegay inay ka go’antahay in dalka uu ka qabto doorasho qof iyo cod ah, taasna uusan ka gorgortami doonin, isla markaana uu xaqiiji doono si kasta oo ay ku suurtageli karto.

“Doorasho Qof iyo Cod ah ayaa ballanqaadnay, waana hirgalinayaa alle idinkiis, dadkeenana waa in ay dortaan cidda danahooda iyo mustaqbalkooda ka shaqeynaysa,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in dadkaan aysan u tali doonin cid dambe oo hoggaanka dalka si qaldan ku timaada “fursad kale ma jirto, dadkeena waa inay doortaan cida meteleysa,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay qadiyadda Somaliland, isagoo sheegay in waxaba aysan u wabin dowladda Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada waqooyi.

“Walaalaha Somaliland majirto wax dhibaato ah habayaratee oo na dhexyaal, doorashooyinka ku soo wajahan iyo dimoquraadiyadda ay hiigsanayaan si nabad ah inay ugu dhamaato ayaan u rajeyneynaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in dowladda Soomaaliya ay weli daneyneyso in Somaliland dowladiisu wadahadal la yeelato, si looga tashado aayaha iyo wadajirka umadaan walaalaha ah.

“Mowqifkeenii hore ayaan ku taaganahay, Somaliland waa walaalaheen waa dad Soomaaliyeed, waxaan qabnaa aan wadajirno, sida aan ku wadajireynana aan ka wadahadalno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Xasan oo ka hadlay doorashada uu qabanayo iyo qadiyadda Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this