Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qar iska tuurnimo ku tilmaantay tilmaantay dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in la xiro xafiiska (UNSOM.

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland ayaa talaabo khaldan ku tilmaantay dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in la xiro xafiiska siyaasadda QM ee soomaaliya (UNSOM) kadib markii dawladda Federalka ay codsaty in la xiro.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in meesha laga saaro howlaha xafiiska kaalmeynta Qaramada Midoobey ee UNSOM, kaas oo Soomaaliya ka shaqaynayey muddo ku dhow 30 sano.

Wasiirk Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo waraysi siiyey BBC ayaa sheegay in xilligaan aan la joogin waqtigii la joojin lahaa howlaha xafiiskaan uu qabto, maadama sida Puntland ay qabto aaney dalka ka jirin dowlad awood badan.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dalabka dowladda uu yahay qar iska tuurnimo isagoo duray sharciyadda dawladda Federalka Soomaaliya kadib isbadalka ay ku samaysay dastuurka KMG ah sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Puntland.

”Xafiiska UNSOM shaqo wayn buu soomaali u qabtay ka fiirsi la,aan bay ahayd dawadda, 1-dii April baa xasaanad ugu danbaysay inay sida shacabka u hadlaan waa laga fiican yahay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

“Dalkaan markii uu amni noqdo oo uu isku filnaado,markuu siyaasad dagan gaaro waa laga maarmi karaa UNSOM”ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa codsatay in la baabi’iyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM).

PUNTLAND POST.

The post Puntland oo qar iska tuurnimo ku tilmaantay tilmaantay dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan in la xiro xafiiska (UNSOM. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this