Sign in to follow this  
General Duke

A united Hiiraan...

Recommended Posts

Shacabka magaalada Beledweyne oo maanta si weyn u taageeray Maamulka Cusub ee Hiraan

 

Beledweyne:- Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa tibaaxaya in maanta ay halkaa isugu soo baxeen Dadweyne aad u badan oo taageersan maamulka cusub ee gobalka.

 

Shacabkan oo maanta si weyn isugu soo baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa muujinayey sida ay usoo dhaweenayaan maamulka cusub ee uu gobalkaasi u magacaabay Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Cali Maxamed Geedi.

 

Yuusuf Axmed Xagar Dabageed oo ah guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan loo magacaabay ayaa asagu kamid ahaa dadkii maanta halkaasi kula hadlay shacabka.

 

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay banaanbaxan taageerada ahaa, Issimada iyo cuqaasha gobalka.

 

Shacabka Beledweyne ayaa ayagu u muuqda dad si weyn u doonaya in gobalka uu yeesho maamul wax tarleh.

 

Guddoomiyaha cusub ee maamulka ayaa asagu sheegay in wax badan uu ka qaban doono arrimaha Bulshada iyo dhibaatooyinka ka jira gobalka ee dhanka Amaanka.

 

Beledweyne ayaa kamid ah goobaha sida weyn looga taageeray dowlada xarunteedu tahay magaalada Jowhar, waxaana shalay soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Xukuumada Federaalka ciidamo aad u badan oo kasoo jeeda gobalka Hiiraan iyo magaalada Beledweyne.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali-dhuux Cabdi Mahad-alla oo sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu u aqoonsan yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabo-geed)

Posted to the Web Sep 13, 16:50

 

 

Baladweyne:- (PP) – Isku soo bax ka dhacay Xarunta gobolka ee Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa halkaas hadallo ka jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Cali-dhuux Cabdi Mahad-alla oo ahaa ninkii ku haystay Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan guddoomiyaha gobolkaas Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf dabo-geed) oo uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi, sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiraan Dabo-geed,Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo xubno kale oo fara badan.

 

Hadal uu ugu horreyntii isku soo baxaas ka jeediyay Cali-dhuux Cabdi Mahad-alla ayuu ku sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu u aqoonsan yahay maamulka gobolka Hiiraan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-geed) oo uu dhawaan u soo magacaabay gobolka, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

“Waxaan u sheegayaan dadweynaha Gobolka Hiiraan in maanta wixii ka dambeeya uusan gobolku lahayn labada guddoomiye ee uu leeyahay hal guddoomiye oo qura, kaasuna waa Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-geed)†ayuu khudbaddiisii ku yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali-dhuux Cabdi Mahad-alla.

 

Hadalkaan ka soo yeeray Cali-dhuux ayaa si weyn uga yaabiyay dadweynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan oo iyagu ogaa is-qabqabsi u dhexeeya maamulka Cusub ee gobolkaas iyo Cali-dhuux, waxaase arrintaas ka hadlay Ugaaska beesha Xawaadle oo yiri:

 

“Waxaa ILAAHAY mahadiis ah in maanta reer Hiiraan ay isku raaceen inay taageeraan guddoonka cusub ee Gobolka, taasoo dadweynaha gobolka ka dhigaysa dadweynaha gobolka inay yeeshaan hal meel oo looga arrimiyoâ€

 

Heshiiskaan dhex maray Cali-dhuux iyo Yuusuf Dabo-geed ayaa waxaa ka soo shaqeeyay waxgaradka iyo culummaa’uddiinka gobolka Hiiraan, waxaana Yuusuf Dabo-geed oo isku soo baxaas dhankiisa ka hadlay uu sheegay in howsha ugu horreysa ee uu gobolka ka qaban doono ay tahay xagga nabadgalyada oo uu sheegay inuu doonayo inuu wax badan ka qabto.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya

webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bannaanbax lagu taageerayo maamulka cusub ee Hiiraan oo ka dhacay Beledweyne

Beledweyne - 13.September.2005 Waxaa maanta magaalada Beledweyne gaar ahaan xarunta maamulka gobolka ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo maamulka cusub ee gobolkaas.

 

Bannaanbaxan ayaa waxaa ka qayb galay siyaasiyiin, isimo, ganacsato, ururrada bulshada rayidka ah, haween iyo dhallinyaro.

 

Isu soo bixii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qayb galay Ugaas C/raxmaan Khaliif, waxana uu dadweynaha ka codsaday in la taageero guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Dabageed.

 

Ambiyo Nuur Cali

SBC Beledweyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

GUDDOOMIYAHA CUSUB EE MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN OO SI WEYN LOO TAAGAARAY

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mr. Yusuf Axmed Xagar "

Arbaco, September 14, 2005(HOL): Kaddib markii ay DFKM Soomaaliya Gobolka Hiiraan u soo magacowday maamulka G/Hiiraan Mr. Yuusuf Axmed Hagar "Dabageed" ayaa kaddib waxa soo baxayay rag kale oo iyagana sheegana inay yihiin madaxda Gobolka kaddib Geeridii Marxuum Xasan Cabdulle Qalaad oo ahaa ninkii jagadan hore u hayay.

 

Haddaba isu soo bax ballaaran oo ka dhacay fagaaraha xarunta gobolka Hiiraan Horteeda oo ay isugu yimaaddeen dhammaan qeybaha bulshada ee reer Hiiraan oo ay hoggaaminayeen duubabka iyo odayaasha dhaqanka ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay loona taageeray inuu howl galo maamulkan cusub.

 

Cali-Dhuux Cabdi Mahadalla oo ahaa ninkii horey u sheegtay inuu yahay Masuulka ugu sareeya ee gobolka ayaa si cad fagaaraha uga sheegay inuu arinkaas ka tanasulay kaddib wax uu ugu yeeray inuu u tanasulay Yuusuf Dabageed uuna lashaqeyn doono.

 

Dacar Xirsi Xooshow oo ah guddoomiyaha golaha wakiilada dhaqanka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan maamulkan cusub iyadoo haatanna lagu jiro marxalad aad u xun gaar ahaan dhanka ammaanka waddada dheer.

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mr. Yusuf Axmed Xagar iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxman Ugaas Khaliif"

Ugu dambeybtii waxa halkaas hadal dheer ka soo jeediyay Ugaas C/Raxmaan Ugaash Khalif Ugaas Rooble oo ku hadlayay magaca duubabka reer Hiiraan waxana uu sheegay inay si dhab ah utaageereen ka duubab ahaan, waxana uu dhammaan qeybaha bulshada reer Hiiraan ka codsaday in sida loo soo dhoweeyay loola shaqeeya maamulkan cusub.

 

Gebagabadii shirkan ayaa waxa halkaas hadal ka soo jeeidyay Guddoomihaa cusub Mr Yuusuf Dabageed iyo Kuxigeenkiisa Xuseen Cumar Xasan, waxana ay sheegeen in ay tahay howsha ugu horreysa in ay wax ka qaban doonaan Ammaanka, taasoo ay haddaba muuqato dhibaatada ba'an ee ka taagan ammaan darrada gaar ahaan waddada dheer ee iska xirta gobolada dhexe inta ay Hiiraan ka marto, taasoo ay 24kii saac ee ugu dambeeyay ay ku dhinteen dad gaaraya 4 qofood, halaka ay dad kale oo badan oo rakaab ahna ay ku dhaawacmeen.

 

 

Dhanaka kale shir ballaaran oo shalayto galeinkii dambe ka dhacay

Hotelka Hiiraan ayaa waxa uu Guddoomiyuhu kulaan kula yeeshay Aqoonyahannada iyo ganacsata Reer Beled weyne, halkaas oo ay ku soo bandhigeen qaabka ay doonayaan inay maamulkan cusub ula shaqeyn lahaayeen, waxan isla markiiba la saaray guddi farsamo oo ka soo baaraan daga dayactirka ay u baahan yihiin Xabsiga Dhexe iyo Saldhigga Booliska Beledweyne sil loo howl galiyo.

 

Isku soo duub waxa muuqta dhaq dhaqaaq ballaaran oo la doonayo in lagu xakameeyo nabadgelyada, isla markaana reer Hiiraan ay helaan maamul dhab ah oo shaqeeya kaddib 14 sano oo dowlad la'aan uu ahaa dalku, waxayna ku xiran tahay hadba sida loola shaqeeyo maamulkan dadkuna si mideysan uu isku kaashado.

 

Aadan Xasan Bashiir

 

Hiiraan Online

 

Beled Weyne

 

Adanuu6868@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this