Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo Joojiyey Ganacsigii uu la Lahaa Israa’iil Sababo la Xariira Musiibada Bini’aadantinimo ee Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkiga ayaa hakiyay dhammaan ganacsigii uu la lahaa Israa’iil, sababo la xiriira duullaanka ay ku hayso Qaza, isaga oo sabab uga dhigay masiibada bini’aadantinimo ee ka sii dareysa ee marinka Gaza.

Wasaaradda ganacsiga Turkiga ayaa sheegtay in tillaabooyinkaan la qaadayo ilaa iyo inta ay Israa’iil ka ogolaanayso gargaarka Gaza. Ganacsiga labada dal u dhaxeeya ayaa ku kacayay ku dhawaad $7bilyan oo doollar sanadkii.

“Turkigu waxaa si adag uga go’an ah in uu fulin doono tallaabooyinkan cusub ilaa ay dawladda Israa’iil ogolaato qulqulka gargaarka bini’aadanimo ee aan kala go’ lahayn oo ku filan Gaza.” Ayuu yiri wasiirka ganacsiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu u dhaqmayo sidii “kaligii taliye”.

“Wuu iska indha tiray danaha dadka Turkiga iyo ganacsatada, Waxaa kaloo uu iska indha tiray heshiisyada ganacsiga caalamiga ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasiirka.

Sannadkii 1949-kii, Turkigu wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay ee Muslimiin u badan ee aqoonsaday Israa’iil. Laakiin xiriirku wuu sii xumaanayay tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Sannadkii 2010-kii, Turkigu waxa uu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray Israa’iil, ka dib markii 10 qof oo Turki ah oo u ololeeya Falastiin lagu dilay isku dhacyo ay la galeen ciidamada Israa’iil.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this