Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maraykan oo dadaal ku bixinaya in la helo dawlad Falastiin yeelato.

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Axios, ayaa ku warramaysa inuu Biden, si shaqsi ah u bixinayo dadaallo uu ku doonayo xabbad-joojin ka dhacda Qasa,sii deynta maxabiista, dib usoo celinta xasilloonida iyo heshiis taariikhi ah oo ay gaaraan Sacuudiga iyo Israa’iil si ay u yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed, tan dambe ayaa lagu sheegay  in lagu gaarayo hannaan lagu dhisayo Dawladda Falastiin.

Warbixinta ay soo bandhigtay Axios, ayaa lagu sheegay in qodobbada kore hirgelintooda dadaalka uu ku bixinayo Biden inay la xiriirto sidii uu dib ugu soo celin lahaa kalsoonida cod bixiyaasha Mareykanka ee ka caraysan siyaasadda Biden ee Qasa iyo bariga dhexe.

Dadka da’yarka ah iyo sidoo kale cod bixiyaasha gobolka ay Carabta ku badanyihiin ee Michigan, ayaa lagu sheegay inay Biden ku qasbayso inuu dadaal galiyo gaarista dhacdooyinka kore ka hor bisha November xilliga ay dhacayso doorashada si uu uga fogaado guul-darro ka soo gaarta doorashada.

PUNTLAND POST.

The post Madaxweynaha Maraykan oo dadaal ku bixinaya in la helo dawlad Falastiin yeelato. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this