Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Abgaal oo soo saaray qodobo ay Cali Guudlaawe uga dalbanayaan inuu is-casilo

Recommended Posts

Deeq A.   
cali-guudlaawe.jpg?fit=1500%2C900&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxgaradka iyo Duubabka dhaqanka ee beesha Abgaal oo maalmahaan ku shirsanaa Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladda maamulka HiiShabeelle, iyagoo farriin u diray madaxweyne Cali Guudlaawe.

Bayaanka laga soo saaray shirkaas waxaa ugu horeyn lagu sheegay in Cali Guudlaawe uu ku fashilmay hoggaaminta maamulka HirShabeelle, iyagoo ka codsaday inuu ka tago shaqada, si loo helo jaanis wax lagu xaliyo.

Waxgaradka Abgaal ee warkaas soo saaray waxay sheegeen in HirShabeelle ay kala go’day oo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe aysan ku mideyneyn maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe.

Sidoo kale, Abgaal waxay sheegeen in labada Gobol ee maamulkaas uu ka arrimiyo ay yihiin gobollada ugu qanisan dalka, balse hadda ay yihiin labada gobol ee ugu nasiib kara daran Soomaaliya, iyagoo sababteeda dusha ka saaray madaxweyne Cali Guudlaawe.

Qeybihii dambe ee bayaanka ka soo baxay waxgaradka Abgaal oo xildhibaan Cali Saciid Sheekh Maxamed uu u akhriyey warbaahinta ayaa laga soo saaray qodobada kala ah:

1- In Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka tanaasulo hoggaaminta HirShabeelle, sababtoo ah wuxuu qeyb ka yahay qacabadaha maamulka, sidaas darteed xalka qeyb kama noqon karo.

2- Waan iclaamineynaa shirweyne ay isugu imaanayaan dhamaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka HirShabeelle, si looga tashado dhismaha HirShabeelle cusub.

3- Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si dhow ula socdo xaaladda HirShabeelle.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Abgaal oo soo saaray qodobo ay Cali Guudlaawe uga dalbanayaan inuu is-casilo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this