Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kursi ka banaan Aqalka Sare oo maanta la amray in la buuxiyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Aqalka-Sare.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta soo saaray warqada amreysa in la soo buuxiyo kursiga UH#16.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu tahay dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa waxaa dhawaan ka geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Cabdi Xareed.

“Waxaan lagama maarmaan ah u arkay buuxinta kursiga tirsigiisu yahay UH#16, si ay u helaan metelaad muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaqa u leh kursiga,” ayuu Guddoomiye Cabdi Xaashi ku yiri warqadda uu maanta soo saaray.

Sidoo kale waxa uu ku yiri “Waxaa la idinka codsanayaa in aad soo buuxisaan kursiga kor ku xusan idinkoo u maraya habraacyadii lagu soo dhigay Baarlamaanka 11-aad.”

Warqadda kasoo baxday guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa waxay si toos ah ugu socotay madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor, ayada oo ‘og’ la siiyay madaxweyne ku-xigeenka maamulka iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadooda tahay Galmudug ayaa waxaa loo saadaalinayaa in loo doorto Cabdiweli Ibraahim Garyare oo hadda ah Maareeye ku-xigeenka hay’adda duulista rayidka.

Doorashada kursigan ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo Galmudug, maadaama uu guddoomiye Cabdi Xaashi amray in si dhakhso ah loo soo buuxiyo, isaggoo sheegay ahmiyadda ay u leedahay Aqalka Sare soo buuxinta kursigaan, “si uu Aqalka Sare u guto hawlihiisa Dastuuriga ah iyada oo xubnihiisu dhameystiran yihiin”.

439200385_7408080212580779_3745224695767

439212532_7408080225914111_7999324973057

The post Xogta kursi ka banaan Aqalka Sare oo maanta la amray in la buuxiyo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this