Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha Google oo Cabasho Ka Muujiyay Heshiiska Dhowaan Shirkaddu La Gashay Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Koox kamid ah shaqaalaha Google-ka ayaa Isniintii Cabasho u gudbiyay Guddiga Xariirka Shaqaalaha Qaranka ee Maraykanka, taas oo ku saabsan wax ay ku tilmaameen eryid sharci-darro ah oo lagula kacay 50 shaqaalaha kamida, kuwaas oo ka horyimid mashruuca Nimbus oo ay shirkaddu la saxiixatay dawladda Israa’iil si ay u horumariso qalab milatari.

Shaqaaluhu waxay dalbadeen in xubnaha la eryay lagu soo celiyo shaqadoodii, iyadoo mushaarkooda dib loogu soo bilaabayo, iyo in qoraal ay Google-ka soo saarto oo ay ku ballan-qaado inaysan ku xad-gudbi doonin xuquuqda shaqaalaha ee is-abaabulka, oo ay ku jirto inay ku biiri karaan ururro kale oo shaqaale.

Waxay ku sheegeen cabashada in markii ay shaqada ka cayriyeen shaqaalaha, Google ay ku xad-gudbeen xuquuqdooda, islamarkaana ay Shirkaddu garab martay sida uu dhigayo sharciga shaqada ee Maraykanka iyo kuwa caalamkuba.

Mashruuca Nimbus ee ay diidmadiisa shaqaalaha badani shaqadoodii ku waayeen ayaa ku saabsan hormarinta militari-ga Israa’iil, xilli ay marinka Qaza ka wadaan xasuuqii ugu ba’naa ee bin’aadam loo gaysto.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this