Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga ku dhawaaqay dacwad ka dhan ah Israa’iil inuu u gudbinayo maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkiga ayaa ku biiray Koonfur Afrika oo dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda  Hakan Fidan uu goor dhow sheegay Turkiga inuu maxkamadda u gudbin doono dacwad ka dhan ah Israa’iil.

Turkiga ayaa bishii hore ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin ka dhan ah Israa’iil, si looga joojiyo xasuuqa ay ka waddo Qasa, waxaana toddobaadyo ka hor uu Turkiga joojiyay ganacsigii kala dhaxeeyay Israa’iil.

Tan waxay ka dhigaysa dalkii u horreyay ee muslim ah oo qaaday tallaabooyin cadaadis lagu saarayo Israa’iil.

Go’aanka Turkiga ayaa sidoo kale ku soo aaday xilli Israa’iil ay isku diyaarinayso duulaan ay ku qaado Rafah, halkaa oo ay ku noolyihiin Falastiiniyiinta ka soo barakacay Qasa, waxaana jira walaac laga qabo haddii duulaanka ay qaado Israa’iil inay ka dhalan karto xasuuqa ugu daran taariikhda ee ay la kulmayaan Falastiiniyiinta.

PUNTLAND POST.

The post Turkiga ku dhawaaqay dacwad ka dhan ah Israa’iil inuu u gudbinayo maxkamadda Cadaaladda Aduunka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this